BN: Madaxa arimaha bani aadamnimada u qaabilsan Kaambooni Cabdiwahaab Axmed Cumar oo saaka la hadlay idaacada VOA ayaa ka dayriyay xaalada bani’aadamnimo ee guud ahaan gobalka jubada hoose, gaar ahaan deegaanka Dhoobley, Hoosingoo, Afmadow, Biibi iyo Janaa-Cabdalla.
Cabdiwahaab ayaa sheegay in dadka isu biirsadeen abaaro iyo colaad keenay barakac baahsan, aysana jirin wax hay’ado caalami ah ama maxali ah oo raashin ama taakulayn lasoo gaaray. ” Iyadoo dadku ayna wali kasoo kabsan abaarahii ayaa hadana dagaal qabsaday, mana jirto wax kaalmo ah oo aduunka kasoo gaaray” ayuu yiri Cabdiwahaab.
Dhanka kal mas’uulka ayaa sheegay in deegaanka uu ka dilaacay daacuun, galaaftay nafta dad kor u dhaafaya 20 qof, gaar ahaan magaalooyinka Hoosingoo iyo Dhoobley. ” Bishan shanteedii ayuu daacuunku ka dilaacay Hoosingoo waxaana ku dhimatay 17 qof, kadib waxuu soo gaaray Dhoobley uu uu ku dilay ilaa lix qof” ayuu yiri mar kale.
Waxaa kale uu sheegay inay jiraan dad badan oo xanuunkani soo riday oo la jiifa, iyadoo kuwa dhintay iyo kuwa la ildaranba ay isagu jiraan dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada sida waayeelka, dumarka, caruurta iyo dhalinyaradaba.
Bulshonews.com