BULSHO NEWS

Warar kala duwan oo kasoo baxaya laba sargaal oo ONLF lagaga afduubay magaalada Nairobi

BN: Wararka shabakada Bulshonews ka helayso Nairobi ayaa sheegaya in laba sargaal oo ka tirsan ONLF garabka uu hogaamiyo adm. Maxamed Cumar Cismaan habeen hore lagu afduubay magaalada. Labadan sargaal oo mid magaciisa lagu sheegay Sanwayne ayaa la sheegay in koox aan haybtooda la garanaynini ula dhaqaaqeen dhanka xadka Itoobiya halka lagu magacaabo Mooyaale.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya masiirka labada nin iyadoo riwaayaadka qaar sheegayaan in dadaal badan oo ay sameeyeen taageerayaasha ururka iyo wax garad kale oo kasoo beesha Ogaadeen, lalaana kaashaaday siyaasiyiin ay ka mid yahiin Yusuf Xassan kadib  lagu gaadhay kooxdii raga afduubay xadka labada dal ee Kenya iyo Itoobiya.

Sanweyne ayaa ahaa sargaalkii hogaaminayay ciidan ilaa 200 ahaa oo ONLF kasoo galisay xadka u dhaxeeya Somaliland iyo Deegaanka Soomaaliya, iyadoo dagaal halkaasi ka dhacay uu Sanweyne ku guulaystay inuu baxsadoo halka dhalinyaro badan oo uu Asmara ka keenay qaara dhinteen, kuwa kalana maxaabiis ahaan Jijiga loo keenay.

Ma jiro war rasmi ah oo jabhadu kasoo saartay arintan afduubka, waxaana inkastoo aan xog rasmi ah la hayn la tuhmayaa in sirdoonka Itoobiya arinta ku lug leeyahay.

Bulshonews.com

TOOLS
WARAYSIYO
ENGLISH NEWS
TAHNIYADO
ENGLISH ARTICLES