103 Jirkii Qalbigiisa Ii Furay. Dhacdo akhris mudan


Spread the love

Qore:- Xamse Cumar Ku-jog

 
“Waxa aan soo galay
Masaajidka maalintii Jimce ee lasoo dhaafay, sida ii caadada ahna goor hore
ayaan iska sii galaa Jimcaha masaajidka, kolkii aan sunnaystay ayaan soo qaatay
kursi aan ku fadhiisto oo aan Qur’aan ku akhristo, muddo haddii aan fadhiyayna
waxa soo galay masaajidkii oday wejigiisa ay ka muuqato da’ aad u wayn haddana
xooggiisa aad yaabto oo aad mooddo kuray xoogle.

 
Meel ii dhow ayuu
istaagay si uu u tukado sunne, waxaan ku idhi “Adeer kursiga aan ku siiyo” waxa
uu iigu jawaabay “Mahadsanid adeer, dhabarkaygu waa bedla’ oo kursi kuma
tukado” salaaddiisii ayaanu iska galay, waxa aan isha ku hayay intii uu
tukanayay, wiil kasta oo xoog wayn oo dhallinyaro ah sida uu odaygaasi u
tukanayo uma tukan karo, waxa aan aad uga fekerayay in aniga oo aan 60 jir
gaadhin aan durba dhabarka ka cabanayo, waxana aan jeclaystay inaan sirtiisa
ogaado oo aan la sheekaysto, kolkii uu sunnihii ka baxay waxa na dhexmartay
sheekadan:

 
Aniga: Adeer immisa jir
ayaad tahay?

Isaga: 103 sano ayaan
jiraa adeer.

Aniga: Dhabarkaaga waan
arkaa oo waa fay’e dhegaha iyo indhaha ka warran?

Isaga: Dhegahaygu waa
dhag oo habeen ismay dhimin, indhahaygana quruuruxa ayaan ku gurayaa.

Aniga: Adeer miyaanad
xaas lahayn?

Isaga: Adeer laba xaas
ayaan leeyahay, ooridayda wayn oo aannu isleegnahay oo hadda gabawday iyo
gabadh yar oo hadda ila joogta, 16 ubad ahna Ilaahay wuu i siiyay?

Aniga: Cunto maxaad
cuntaa?

 
Isaga: Adeer cuntadaydu
waa cad iyo caano, haddii laga tegi waayo garaw ayaa iisoo raaca mana aqaanno
cuntadan dadka ee bariiska iyo baastada ah.

Aniga: Adduunka oo dhan
ayaa iska dhibaato ahe maxay ahayd dhibaatadii ugu badnayd ee kusoo martay?

 
Isaga: Waa run oo
adduun dhib lagama waayee waxa isoo martay in gaadhi i jiidhay oo jidhka oo
dhan i burburiyay, muddana aan dhulyaal ahaa, Ilaahay mahaddii se waan ka
kacay. Muddadaas aan jiifay waxaan odhan jiray “Nasiib badanaa nin kici kara oo
masaajidka Ilaahay inta uu u lugeeyo soo tukan karaa”, muddo kaddib masjidka
ayaa la i gayn jiray oo kursi ayaan ku tukan jiray, haddana waxaan odhan jiray
“Nasiib badanaa nin Ilaahay caafimaad siiyay oo sarajoog ku tukan karaa”.
Ilaahay labadiiba waa ii rumeeyay oo intii kaddib masjidkana waan u lugeeyaa,
sarajoogna waan ku tukadaa.

 
Aniga: Maxaad
noloshaada ka murugootaa in aanad qaban ama aad isleedahay way ku dhaafeen?

Isaga: In yaraantaydii
aanan Qur’aanka baran ayaa murugo badan igu haysa adeer, qofka Qur’aanka
yaqaannaa dhaxalkii Nebiga scw ayuu qayb wayn ka helay, dhaxalkaas ayaan
aniguna ka qatanahay, qof kasta oo aan arko isagoo Qur’aan akhriyaya waan u
duceeyaa.

 
Aniga: Maxaad
noloshaada ku faraxsan tahay cimrigaa aad jirto?

Isaga: Waxaan ku
faraxsanahay inaan dhaqan wanaagsan ku koray oo aanan weligay cid dulmi u
geysan, ummadda Ilaahayna iga nabad gashay, abaalkeediina waan helay oo Ilaahay
dadka ayuu ii barakeeyay, 16 ka aan dhalayna samafalkayga ayay u kala
dheereeyaan oo ha dhicin ha jabin ayay i leeyihiin goor iyo ayaan, gaadhi iyo
dareewal ayaa haddadaa albaabka ii taagan oo inaan masaajidka usoo lugeeyo
xataa way diideen.

 
Aniga: Maxaad nolosha
ugu jeceshahay?

Isaga: Inaan dhawr neef
oo geel ah meel cidla ah oo barwaaqo iskaga haysto, buuqa magaalada iyo
rafaadkeedana aan iskaga durko, se waanay dhacayn oo ubadkaygii ayaan iga
yeelayn, kolkaan miyiga tagana iyaga uunbaa dib iiga soo kaxeeya.

 
Runtii odaygaas waan
jeclaa inaan saacado iyo maalmo la fadhiyo oo aan dhegaysto, waxa afkiisa ka
burqanayay xikmad iyo murti aan xad lahayn, se salaaddii ayaa loo eedaamay oo
Imaamkii Jimcaha ayaa khudbad u holladay, hadalkiina wuu naga xidhmay.

 
Qaybaha kala duwan ee
odaygaas da’da ah aan wax ka waydiiyay qaybtee adiga si gaar ah kuu taabatay
akhriste?

FG: dhacdadani waa mid
xaqiiqo ah, waxa ay dhexmartay Aabbahay Sh. Mustafe C Cumar Kujoog iyo oday da’
ah oo ay jimcihii masaajidka ku kulmeen, kolkii uu iiga sheekeeyay ayaanan
qoraalkan u beddelay.

 
Intiina qoraalka
dhammaysatay mahad badan ayaan idiin madhxinayaa, wuu yar dheeraa, sidii
caadada ii ahayd soo koob ayaan islahaa, intaas ayaanay noqotay awooddaydii

Qore:- Xamse Cumar
Ku-jog


Like it? Share with your friends!