Sida aad ogtihiin
somaliland waa dhul balaadhan oo leh khayraadkiisa una fidsan barri iyo badba.
Somaliland waxay
leedahay sooyaal dheer waxayna lahayd magacyo kala duwanaa mar waxa la dhihi jiray bilaadul bunt oo waatii
firaacinadu xidhiidh la lahaan jireen boqoradii masar ka talin jirtay ee la dhihi jiray xatshasabuut taasi oo usoo diri jirtay dhulkii sanaag waftiigii balaadhnaa ee xeebaha sanaag
soo gaadhi jiray waftigaas oo kala kulmi
jiray soo dhawayn balaadhan.
Marna waatii saylac
loo yiqaanay
Mar waatii loo yiqaan
somaliland British halgamayaal badnaaday ay kasoo bixi jireen aaga somaliland,ilaa
laga soo gaadhayay gobonimo doonkii iyo
ragii axsaabta ahaa ee ka saxeexaxay gobonimadii engriiska kana mid ahaa ragaas ninkii siyaasiga balaadhan ahaa ee la odhan jiray mohamed xaaji Ibraahim cigaal rabbi ha u naxariistee
Marna waatii dadka waqooyiga jibadu ay qaadaysay oo ay laabta u garaacanayeen helitaan shan somaliyeed taas oo ahayd caqli xumadii ugu weynayd abid!!! waayo gobonimadii aayar
soo gashay dadkii reer somaliland bilaa
shuruud ugu geeyeen koonfurtiisoomaaliya!! balse waa kuwii kala kulmay hagardaamo badan iyo dhib.
Haddana waatii kow
iyo sagaashankii burco kaga dhawaaqasay qaranimada somaliland halkaas oo lagu dooranayay madaxweyihii ugu
horreeyay ee mudane cabdirahmaan oo dadka badankoodu u yiqaaneen cabdiraxmaan tuur.
Ninkaas oo ahaa nin
aqoonyahan sare ahaa iyo halgamaa weynaa ahaa
Somaliland waxay
socotaba hadda ayay maraysaa meel san waxaad mooda wakhtigan kan in caalam
weynuhu ay aad danaynayaan.xukuumadan biixina dalkii u qabatay wax weyn oo aan
la koobi karayn korna u qaaday maqaamkii
somaliland.
Somaliland oo aan
wali la aqoonsan haddana waxa ay ku faro
adaygeen nabadooda taas oo qofina tashuush ku furi karin.takale
waxay buuxisay shuruudihii dawladnimada oo dhan
Dalka somaliland
horey u soconayaan waxaad moodaa in dunidu ay aad u danaynayaan
somaliland.waxaaase moodaa in quwadaha dunida xafiis ka furan doonaan somaliland taas oo dani ugu jirto
jamhuuriyadda barakaysan.
Dalkaas iyo dadkaas soomaaliyana waxa aan u
sheegayaa inay ogaadeen in 26june in ay somaliland leedahay kaliya oo ay
iska daayaan ku xaasidka iyo ku jiqsiinta iyo ku hoorinta umada tashatay oo
qayrkeed dhaaftay
Somalilandtuna
fahansanyihiin umana socdaan waligood koonfur mar labaad happy 26 june
Hamse riiraash