Aʙᴀᴀʟ ɪʏᴏ Oɢᴀᴀʟ


Spread the love
Xil. Barkhad Batuun Ayaa Ka Sheekeynaya Arintan.

” Waxa aan joogay Rayiisle walaalkay ku lahaa suuqa, xagga ay hadda
ku taallo Shirkadda Sagaljet dhabarkeeda dhanka beri xiga. Waxa maalmaha
socotay diwaangalinta ardeyda Jaamacadda Hargeysa galeysa. Markaas maan haysan
wax adduun ah oo aan iskaga bixiyo jaamacadda kuuliyadda sharcigana in aan
galaan rabay; hooyaday ma shaqeyso, aabbahayna ma noolayn AHUN, walaalkayna ma
awoodo in uu iga bixiyo, ehel kale oo aan adduun ku ogahayna ma jiraan saaxiibo
dhaqaale lehna ma haysto. Xasan Daahir Nuur “Xassan Buste”, ayaan
waayahayga la wadaagay, waxa aanan u sheegay in aan ahay agoon aan aabbo
lahayn, aduunna uga dhiman, jecelna aqoonta, sannadkanna Jaamacadda raba in uu
galo. Xasan waa nin naafo ah isagana sidoo kale adduun kuma ogi, balse waxa aan
isku qanciyay in maamulka Jaamacaddu naafanimaddiisa ku tixgalineynayaan,
lagana yaabo deeq waxbarasho isaga darti in ay igu siiyaan. Xassan wuxu Alle u
dhaliyey gobonnimo, wuxu markiiba iigu jawaabay ” waan ku raacaya ee waa
inoo berri” isaga oo ka garaabay duruufaha dhaqaale ee noloshayda ku
geedaaman!

Muddo hadda laga jooga 17 sanno ayaa subax ay saacaddu tahay 9:30 aannu
bas Jaamacadda Hargeysa tagayey ka wada raacnay Saldhiga dhexe hortiisa ama
Heegada aniga iyo Oday Xasan. Maalinka rejo weyn ayaan qabaa oo ah in aan
Jaamacadda bilaash ku dhigan doono. Inta aanu baska sii wada saarnayn waxa aan
ka fekerayay oo aan iswayddiinaya su’aalo badan oo aanan Xasan la wadaagi karin
kana mid ahaayeen: Haddii ay suuro-gali waydo xaggeed lacag ka hesha? qorshe
iyo qaab aan hawlaha nololeed ee igu hareeraysan aan ku wajaho ayaan is
waydiinaya? War-war iyo walbahaar badan ayaa i haystay haddana markaan Xassan
arko rejo ayaa i galaysay qalbigayga ilmo aanu Xassan arkaynin ayaa ka tif leh!

Muddo ka dib waxa aannu soo gaadhnay dayrki jaamacadda, baski ayaan ka
degnay, waxaannu galnay Jaamacadda. Waxa albaabka jooga Askari aan filaayo in
uu magaciisu ahaa Yuusuf. Xasan ayaa wayddiiyey ‘ ma joogaa Guddoomiyihii
Jaamacaddu?’ ‘ Haa’ ayuu ugu jawaabceliyey. Xafiiska Guddoomiyaha Jaamacaddu
wuxu ku yaallay albaabka hoolka jaamacadda agtiisi dhismaha ugu soo sokeeya
weeyi, Neecow udgoon oo aanu xassan urin karin ayaa sankayga saaqaysa oo ah
xiisaha tacliinta iyo deegaanka aqooneed ee aan lugaha soo galiyey rejo iyo
baqo ayaa labaduba i laabqaadayaab! Waxa aanu bannaanka xafiiska ku aragnay
Guddoomiyihii Jaamacadda, salaan iyo soo dhaweyn ka dib wuxu Xasan u sheegay
hawshi aanu u soconnay. Guddoomiyuhu wuxu ahaa Cabdi Haybe gudaha xafiiska ayuu
nala galay isaga oo aan jawaab bannaanka nagu siinin farxad iyo hiddidiilo ayaa
i gashay mar labaad, waxaan hadalladii Xasan Cabdi Haybe ku lahaa aan ka sii
xasuusta “Inankani waa agoon, adeerna waan u ahay waxaanan u naafoobay
dalkan, waanad og tahay xaaladeyda waxaana laga yaaba Inankaasi in uu noqdo mid
dalka anfaca oo loo aayo.” Cabdi si naxariis leh ayuu igu yidhi: ”
Adeer magaca?” ” Barkhad” ayaan ugu jawaabay wuxu yidhi: ”
Waad barakeysan tahee berri warqad codsi ah i soo qor oo ii keen shahaadaadii
dugsiga sare iyo laba sawirna soo raaci odeygna waxba ha soo
kallifin.”  Boardka Jaamacadda ayaan
hordhigayaaye’ Haye’ ayaan yidhi Aniga oo faraxsan sidii ayaan yeelay.

Maalinti labaad, ka dibna waxa aan galnay Imtaxaanki kulliyaddayda
Sharciga waxa aanan noqday ardeydi 7aad ee imtaxaanka ku soo baxa.

Muddo billo ah ka dib waxa 4tii sanno ee wabarashadeyda bixisay Hay’adda
UNPD oo dadka danyarta ah ee kulliyadda dhigta ka bixin jirtay, iyo hablaha,
waxaanay soo marin jirtay Wasaaradda Caddaaladda iyada oo kaashaneysa Maamulka
kuuliyadda sharciga iyo qeybta

“Legal clinic”Xafiiska Wasiirka caddaaladda ayaa la nooga
yeedhay, foomam ayaa lanaga buuxiyey sidii ayaa qeybta maalliyadda ee
Jaamacaddu nagu siisay Kaadhadhki Jaamacadda.

Waxa xussid mudan Wasiirki marka saxeexay deeqdayda waxbarasho ee
Wasaaradda Caddaalada Wasiirka ka ahaa in aanu hada wada nahay laba Xildhibaan
oo ka wada tirsan goolaha Wakiiladda!

Odey Buste maanta ayaan ku casuumay Hotel Jirde, dibna aan ula wadaagay waayihii
iyo warki na dhex maray 17 sanno ka hor!

Waxa aan u sheegay in aan ugu magac-darri doono Jaamacad ama Dugsi sarre
oo aan Mustaqbalka dhisi-doono Insha Allah.

Qisadani waxa ay hordhac u tahay buug aan dhawaan ka qori doono
halgankaygi nololeed Insha Allah.”


Like it? Share with your friends!

0

Comments

comments