Aabbahaa Iyo Hooyadaa Iyamaa La Cadaabaa?!!!


Spread the love
W/Q :- Kamaal Axmed Cali .

Dabayaaqadii
sagaashamaadkii xilli dalku ka soo doogayey dagaalladii sokeeye, xukuumaddii
madaxweyne Cigaalna ay meel fiican u maraysay hawshii dhismaha ciidamada
qaranku, waxaa si kedis ah magaalada Burco uga soo degey madaxweynihii hore ee
Somaliland, mudane Cabdiraxmaan Axmed Cali.

Cabdiraxmaan in muddo
ah ayuu Muqdisho ku maqnaa, isaga oo qaatay aragtida Federaalka, xil madaxweyne
ku xigeen ayaanu ka hayey xukuumaddii Sal-ballaadh la odhan jiray ee Janaraal
Caydiid.

Xaaladda dalku
markaas marayey ee yabyabka ahayd, Cabdiraxmaan oo dalka yimid isaga oo xil
Soomaaliya ah haya, iyo magaalada uu ka soo degey oo ahayd deegaan uu awood
shacbiyadeed ku yeelan karayey ayaa walaac badan abuurtay.

Sheekada kale hadda
uma socdo ee, xilligaas waxaa ciidamada Somaliland haystay Alle ha u naxariisto
ee Kornayl Xasan Yoonis Habbane. Marka garabbadii SNM ahaan jirtay la eegana
Kornaylku waxa uu ahaa raggii loo tirin jiray in ay Cabdiraxmaan saaxiib la
ahaayeen, xilligii SNM iyo markii uu madaxweynaha Somaliland ahaaba.

Sida muuqatay Cigaal
xogtaas xidhiidhka labada nin waa hayey, walaaca jirayna waxa uu ahaa in
haddiiba imaanshiyaha Cabdiraxmaan xiisad abuurto, in aanu isku hallayn karin
Kornayl Xasan Yoonis oo saaxiibkii Cabdiraxmaan dhanka kale ka soo jeedo.
Sidaas awgeed, go’aamada uu Cigaal qaatay si uu xaaladdaas u waajaho waxaa ka
mid ahaa in uu xilka ka qaaday Kornayl Habbane.

Cigaal waxa uu caan
ku ahaa in masuulka uu xilka ka qaadayo uu erey iyo laba ka sii daba tuuro,
kaas oo inta badan noqon jiray naanays ama hal-ku-dheg siyaasadeed.

Haddaba, wareegtadii
uu maalintaas ku caydhiyey Kornayl Habbane, ereyga uu u cugtay waxa uu macno
ahaan ahaa, “Markii aan arkay in xaalkaagu uu ku jiro Aabahaa iyo hooyadaa
iyamaa la cadaabaa”

Waxa uu ugu duur
xulayey in Kornayl Xasan uu dhinacna ka doonayo in uu nidaamka dawladnimo
ilaaliyo, dhinaca kalana ka xiisaynayo in aanu saaxiibkii  Cabdiraxmaan cidlo kaga tegin, haddiiba ay
duruufuhu qasbaan.

Sheekadan sida ay isu
qabanayso in aan sharraxo uma baahni hadda, laakiin waxaa I xasuusiyey Duqa
Caasimadda Mudane Cabdikariim Axmed Mooge; nasiib xumadiisu waa in deegaan
doorashadiisa iyo xisbigiisu ay mucaarad mayal adag yihiin xilligan, in uu ka
go’aana ay ku adagtahay sababo badan awgood. Dhinaca kalana uu ku qasban yahay
in uu la shaqeeyo xukuumadda Kulmiye ee iyaduna meesha fog ka taagan xaalka
mucaaradka. Isaga oo og haddii aanu yeelin sida ay ka rabto, in ay ceejin
doonto.

Waxa aanan hubaa in
culayska haystaa ku sii kordhi doono, maalin kasta oo xaalka siyaasaddu sii
adkaado.


Like it? Share with your friends!

0

Comments

comments