Aadaabta Islaamka Ka Hor Raaxada Lammaanaha


Spread the love
Qore: Ibrahim Hassan Gagale

Marka sayga iyo
ooridu si fiican ugu diyaargaroobaan Raaxada (galmada) siiba xagga nadiifinta
jidhka iyo udgoonaynta waa inay ku dhaqmaan oo raacaan asluubta Islaamka inta
aanay samayn hordhaca raaxada (hammad-kicinta ama hordhaca galmada – Foreplay)
ama raaxada lafteedaba. Asluubta Islaamka ee la rabo in lagu dhaqmo ka hor
hordhaca raaxada iyo galmada lafteedaba waxaa ka mid ah:-

 

• FAHMIDDA GAARNIMADA
GALMADA: Waxaa aad iyo aad muhiim u ah in sayga iyo ooriduba fahmaan in
galmo-samayntu tahay arrin gaar ah oo sir u ah labadooda. Sidaas daraadeed, waa
inay hubiyaan inay keli ku yihiin qolka marka ay samaynayaan hordhaca galmada
ama galmada lafteedaba oo aanay la joogin cid kale. Waa inay iska xijaabaan ama
iska ilaashaan xataa khaawisaadda dadka waaweyn iyo carruurtaba. Waxaa kale oo
muhiim ah in albaabka qolkoodu uu si fiican u xidhanyahay si aan qofna uga soo
dul dhicin ama si kedis ugu soo gelin. Waa inay hubiyaan in daaqadaha qolkoodu
wada xidhanyihiin isla markaana daahyadu si fiican u sii deysanyihiin si aan
qofna ama jaarku u arkin. Shareecada Islaamku aad ayay uga soo horjeedaa una
cambaaraysaa muujinta ama bandhigidda galmada dadka hortiisa, taas oo ah dembi
culus iyo macsi. Waa waajib Diini ah in dadka laga qariyo qaawanaanta qofka.
Runtii, waa sharcidarro waana dembi fool xun in galmo lagu sameeyo meel laga
arkikaro.

 

• KA FOGAANSHAHA
SANQADHA IYO CODKA: Waxaa muhiim ah in lammaanuhu codkooda qariyaan waqtiga
hordhaca raaxada iyo waqtiga galmadaba si aan dadku u maqal. Sidaas oo kale,
sayga iyo ooriduba waa inay ka fogaadaan sanqadha marka ay ku jiraan raaxada si
aan loo maqal. Aadaabta galmada ee Islaamka ayaa ay ka mid tahay in lammaanuhu
ka fogaadaan iskana ilaashaan hadalka badan waqtiga ay ku jiraan hordhaca
galmada iyo galmada lafteedaba.

 

Shareecada Islaamku
ma ammaanto hadalka marka lammaanuhu ku jiraan galmada sababta oo ah waa kulan
qarsoodi ah oo u gaar ah sayga iyo oorida. Sida ay makruuh u tahay in lagu
hadlo musqusha, ayaa la diidanyahay oo ay makruuh u tahay in lagu hadlo galmada
kaas oo dadka dibeddu dareemikaraan ama maqlikaraan. Hadal hoose lammaanuhu waa
wadaagikaraan oo aanay maqlayn dadka dibadda kuna eg naftooda.

 

• REEBANAANTA IN LABA
XAAS HAL QOL LA ISKUGU KEENO: Haddii nin qabo laba haween ah, waxaa xaaraan ah
inuu hal qol oo qudha marba mid kula sameeyo hordhaca galmada (hammad-kicinta)
iyo galmadaba iyaga oo qaawan oo is arkaya ama is-daawanaya. Shareecada
Islaamku ma oggola arrintan xataa haddii labada haweenba raalli ka yihiin,
waana dembi in midkastaba aragto midda kale oo qaawan ama lala samaynayo galmo.
Sababta kowaad waxaa weeye inaan la oggolayn in haweeney aragto qaawanaanta ama
cawrada haweeney kale xataa haddii la wada qabo.

 

Cabduraxmaan Abu
Sacad Al-Khudri (R.C) waxaa uu ka soo xigtay Aabbihiis (R.C) in Rasuulka
Ilaahay (S.C.W) yidhi: “Nin waa in aanu arkin xubinta taranka ee nin kale,
haweeneyna waa in aanay arkin xubinta taranka ee haweeney kale. Nin waa in aanu
nin kale la jiifsan oo wax wada huwan, haweeneyna waa in aanay haweeney kale la
jiifsan oo wax wada huwan.” (Saxeex Muslim 338, Sunanka Abu Daawuud 4018,
Saxeex).

 

Cabduraxmaan Abu
Sacad Al-Khudri (R.C) waxaa kale oo uu ka soo xigtay Aabbihiis (R.C) in
Rasuulka Eebbe (S.C.W) yidhi: “Haweeney ma eegikarto qaawanaanta ama
cawrada haweeney kale, nina ma eegikaro qaawanaanta ama cawrada nin kale.”
(Sunanka Ibnu Maaja 661, Saxeex).

 

Sababta labaad waxaa
weeye in galmadu tahay arrin u gaar ah labada (2) qof ee samaynaya oo qudha
maadaama Shareecada Islaamku reebayso in sayga iyo ooridu uga sheekeeyaan
arrimaha galmadooda dadka kale ama qof seddexaad, arrintaas oo ah sharcidarro,
dembi, iyo anshax xumo haddii la sameeyo. Sayga iyo oorida waxaa labadaba ka
reeban ama xaaraan ka ah inay fidiyaan sirta waxa labadooda ku dhexmara
sariirta. Xaqiiqdii, waa arrin sharcidarro ah in la fidiyo, laga sheekeeyo, ama
la ogaado sirta galmada laba (2) qof dhexmarta oo is- qaba. Sidaas ayay xaaraan
ku tahay in hal (1) qol la iskugu keeno laba (2) xaas ama wax ka badan oo
midkastaba arkayso qaawanaanta midda kale ama sirta galmadeeda ee lagu
samaynayo horteeda iyada oo qaawan.

 

Abu Sacad Al-Khudri
(R.C) waxaa uu soo weriyay in Rasuulka Ilaahay (S.C.W) yidhi: “Ilaahay
hortiisa waxaa Maalinta Qiyaamaha dadka ugu xun ka mid ah ninka ooridiisa la
sameeyo galmo iyaduna la samayso dabadeed ka war-sheekooda waxa ku dhexmara
sariirta.” (Saxeex Muslim 1437, Buluuq Al-Maraam 1017, Saxeex).

 

• ISKA ILAALINTA
CARRUURTA: Waxaa anshaxa iyo aadaabta Islaamka ee galmada ka mid ah in la iska
ilaasho carruurta xilliga hordhaca raaxada iyo galmadaba. Diinta Islaamku waxaa
ay reebaysaa ama mamnuucaysaa in hordhaca raaxada ama hammad-kicinta iyo
galmada lafteedaba lagu sameeyo carruuurta yar-yar hortooda oo aan weli qaan-gaadhin
balse gaadha da’da wax kala garashada isla markaana fahmaya waxa dhexmaraya
labada waalid.

 

Waalidka sameeya
galmada iyada oo carruurtooda yar-yar arkayso waxaa ay ku kacaan gefweyn iyo
mas’uuliyad-darro iyaga oo u haysta in aanay carruurtu fahmayn. Arrintanu waxaa
ay saamayn xun ku yeelankartaa carruurta xataa haddii aanay fahmayn macnaha
galmada sababta oo ah waxaa ay carruurtu abuur ahaan ku daydaan waxaa ay ka
arkaan dadka waaweyn oo samaynaya. Sidaas daraadeed, waxaa reeban ama mamnuuc ah
in waalidku galmo ku sameeyo carruurta yar-yar ee aan weli qaan-gaadhin
hortooda.

 

Islaamku waxaa uu ka
soo horjeedaa wax kasta oo akhlaaq xumo ama anshax xumo laga qaado sida galmada
la bandhigo ama aan la qarin iyo wixii la xidhiidha galmada sida salaaxidda
taas oo lagu sameeyo dadka ama carruurta hortooda. Galmada iyo arrimaha la
xidhiidha sida salaaxidda oo aan laga qarin carruurta balse lagu horsameeyo
waxay aad uga soo horjeedaa anshaxa, xishoodka, iyo asluubta Islaamka.

 

Waalidku waa inuu
carruurta baraa xilliyada ama waqtiyada u gaarka ah waalidka ee aan loo soo
gelikarin fasax la’aan ama idan la’aan sida ku cad Qur’aanka Kariimka ah si
aanay u arag cawrada waalidka. Waalidku waxaa uu leeyahay seddex (3) waqti ama
xilli oo gaar u ah, kuwaas oo kala ah: Waaga hore (Fajriga), duhurka iyo
cishaha ka dib. Carruurta aan qaan-gaadhin looma oggola inay soo galaan qolka
waalidka iyaga oo aan weydiisan idan ama fasax inay soo galaan seddexdan xilli
ama waqti. Carruurta aan qaan-gaadhin loolama jeedo ilmaha sebiga ah balse
waxaa loola jeedaa kuwa fahmikara waxa ay samaynayaan labada waalid xilliga
hordhaca raaxada iyo galmadaba.

 

Allaah (S.W.T) waxaa
uu leeyahay: “Kuwa Allaah iyo Rasuulka rumeeyow! Waa in kuwa gacantiinnu
hantido iyo carruurtiinna kuwa aan weli qaan-gaadhin idin weydiistaan idan
(fasax inta aanay soo gelin qolka waalidka) seddexda waqti ee kala ah: Salaadda
Subax ka hor, marka aad dharka iska dhigtaan ee hadhsiimada duhurka ku jirtaan
(oo la nasto), iyo kadib Salaadda Cishaha. Saddexdan waqti waa waqtiyo gaar
idiin ah (waalidka). Waxaan saddexdan waqti ahayn idinma saarna dembi idinka
iyo iyagaba (carruurta) inaad isu timaadaan (idanka oo isu adeegaya). Sidaas
ayaa Ilaahay idiinku caddaynayaa Aayadihiisa oo Ilaahay waa Cilmi- Badane,
Xikmad-Badan.” [Suuradda An-Nuur, Aayadda: 58aad].

 

Carruurta waaweyn ama
qaan-gaadhka ah waa dembi culus in lagu horsameeyo galmo. Sidaas daraadeed,
iyaga waqtina ama xillina looma oggola inay galaan qolka waalidka idan la’aan
ama amar la’aan.

 

Allaah (S.W.T) waxaa
uu leeyahay: “Oo marka carruurtiinnu qaan- gaadhaan, ha idin weydiistaan idan
sida kuwii ka horreeyay ay idan u weydiisteen (carruurta qaan-gaadhka ah
waqtikasta waa inay iyagu weydiistaan fasax ama idan ay ku soo galaan qolka
waalidka). Sidaas ayaa Ilaahay idiinku caddaynayaa Aayadihiisa, oo Ilaahay waa
Cilmi-Badane, Xikmad-Badan.” [Suuradda An-Nuur, Ayaadda: 59aad].

 

Cumar Ibnu Khaddaab
(R.C) waxaa uu sheegay: “In ilmihiisa qaan-

gaadhay xagga da’da
aanu u oggolayn inay qolkiisa soo galaan amar la’aan

marka uu ku
jiro.” (Al-Adab Al-Mufrad 1058, Saxeex).

 

• ASTURAADDA KITAABKA
QUR’AANKA KARIIMKA AH IYO KA JEESIGA QIBLADA: Aadaabta Islaamka ee waqtiga
galmada waxaa ka mid ah in meel lagu asturo ama lagu daboolo Kitaabka Qur’aanka
Kariimka hadduu saaranyahay meel laga arkikaro. Qur’aanka Kariimka ah oo ah
Qawlka Ilaahay (S.W.T) waxaa uu markasta mudanyahay xushmo iyo ixtiraam. Waxaa
kale oo aadaabta Islaamka ka mid ah inaan sayga iyo ooridu u jeesan xagga
Qiblada (Kacbada) waqtiga galmada iyaga oo qaawan si loo ixtiraamo loona
xushmeeyo Qiblada Kacbada. Culimada Islaamka waxay isku waafaqsanyihiin inaan
loo jeesan xagga Qiblada (Kacbada) waqtiga galmada lammaanaha is-qaba. Dembi
maaha laakiin waa arrin makruuh ah.

 

(Casharka waxaa laga
soo qaatay Buugga: HAGAHA NOLOSHA ISLAAMKA Ee Guurka iyo Qoyska)

 

Qore: Ibrahim Hassan
Gagale

June 22, 2022


Like it? Share with your friends!

0

Comments

comments