Aas Aaska Wax Qorista


Spread the love

Waxaa jira xeerar asaasi ah oo saldhig u ah qoraalka

Qoraalka waa qeyb muhiim ah oo ka mid ah af-ka, wuxuu
leeyahay habab gaar ah oo wax loo qoro iyo kuwa kale oo laga fogaado kuwaas oo
ruuxii yeelaa dhigaalkiisa lagu haaraamo.

Hab qoraalka
hagaagsan waxa uu ku suntan yahay xeerar la raaco oo ka dhiga qoraalka mid
fudud oo si dhib yar loo dhugan karo ujeedada uu jeerkaas qoraagu ku howlan
yahay inuu ruuxa akhrinayaa dhagaha ugu shubo.

 
Waxaa jira xeerar asaasi ah oo saldhig u ah qoraalka kuwaas
oo aan sinna looga beyri karin iyo kuwa kale oo la adeegsado si nuqulka looga
dhigo mid gudbiya ujeedo khaas ah. Hadaba xeerarka saldhigga u ah qoraalka sida
ku qoran webka aqoonKaal waa :-

 
Xarafka u horreeya qoraalka ama tuduc kasta (ama baaragaraaf
kasta) ha noqdo xaraf weyn, waana in baaragaraafku ku dhammado joogsi ama
dhibic (.). Marka weero isku xiran dhammaadaana kusoo gabagabee joogsi (.)

 
Xarafka ugu horreeya ee magaca (sida magac qof, magaalo, dal
ama qaarad) waa in uu noqdo xaraf weyn. Tusaale ahaan haddii magaca qofku uu
yahay “quwaax qurac qansax” waa in la qoro “Quwaax Qurac Qansax”, sidoo kale
haddii magaca magaaladu uu yahay “jeerin”, waa in la qoro “Jeerin”

 
Sidoo kale ha ilaawin meelaha ku habboon hakad (,),
laba-dhibcood ), iwm

 
Sidoo kale marka lagu qorayo nuqulada baraha internet-ka
waxaa habboon in laga aallo isticmaalka emojiyada kala duwan si qoraalku u
qurxanaado.


Like it? Share with your friends!