Abshir Maclin idiris oo isku soo dhiibay ciidamada Dowladda


Spread the love

Xudur (Caasimada Online) – Taliska qeybta 60-aad ee Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa maanta soo bandhigay xubin ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo isku soo dhiibay ciidamada dowladda eek u sugan degmada Diinsoor.

Abshir Maclin idiris oo magaciisu Afgarashadu ay yahay Sahal ayaa  isku soo dhiibey Ururka 154-aad Ee taliska guutada 8-aad qeybta 60-aad ciidanka dhulka  ee Fadhigooda yahay Degmada Diinsoor.

Abshir ayaa markii uu isisoo dhiibayey watay  qori nooca AK47 ah iyo Booshkiisa, wuxuuna kooxda Al-Shabaab u qaabilsanaa dhinaca Jabhadda ama kuwa weerarada geysta.

Wuxuu sheegay inuu kasoo qeyb galay weeraro badan oo ay kooxda Al-Shabaab ka geysatay deegaano ka tirsan gobolada Hiiraan, Shabeelaha Dhexe, Galgaduud, Mudug iyo degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose.

Ninkaan oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inuu kooxda Al-Shabaab ka tirsanaa muddo 5 sano ah, wuxuuna sheegay inuu markii uu kooxda ku biirayey ku sugnaa degaanka Gurbaan ee Gobolka Baay

Bilihii la soo dhaafay ayaa saraakiisha Ciidamada xoogga dalka gaar ahaan qeybta 60-aad waxaa ay sheegeen inay kordheen xubnaha katirsan Al-Shabaab ee isku  soo dhiibaya, iyada oo ay socdaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa ballan qaaday inay cafin doonto cid kasta oo Shabaab ka tirsan oo isku soo dhiibta ciidamada dowladda.

Kooxda Al-Shabaab ayaa hadda waxaa ku socdo kacdoon culus oo looga soo horjeedo kaasoo hadda si rasmi ah uga socdo gobolada Hiiraan, Shabeelaha dhexe iyo Mudug.

 


Like it? Share with your friends!