0

Kooxaha Ac Milan iyo Juventus ayaa bar-bar dhig ku heshiiyay kulan xiiso lahaa oo ka tirsanaa horyaalka Serie A-da kaas oo ka tirsanaa todobaadkii 4-aad.

Kulanka ayaa ahaa mid ah labada kooxood kala qaybasadeen iyada oo Juventus soo bandhigtay qaybta hore ee ciyaarta xilli ay Ac Milan si fiican u ciyaartay qaybta dambe.

Juventus ayaa gool deg-deg ah ku hor martay iyaga oo uu xiddiga Paul Dyabala u dhaliyay goolka 1-aad daqiiqadii 4-aad isaga oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa kana dhigay 1/0.

Kooxda Juventus ayaa qaab ciyaareed waali ah soo bandhigtay iyaga oo Qaybta hore ka faraxalan karay ciyaarta laakiin kooxda Milan ayaa si fiican u difaacatay goolkeeda.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta iyada oo Juventus hogaaminayso ciyaarta laakiin Aaanay dilin ciyaarta waliba rajo siiyeen Milan in ay ciyaarta ku soo laabato.

Qaybtii dambe ayaa ahayd mid ay Ac Milan fiicnayd waliba wax walba u samaysay sidii ay u dhalin lahayd goolka bar-baraha xilli ay Juventus u muuqatay kuwo daalay.

Daqiiqadii 76-aad ayay Ac Milan dhalisay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Ante Rebic kaas oo ciyaarta ka dhigay bar-baro 1/1 ah oo ay Milan ku soo laabatay.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Labada kooxood ku kala bexeen bar-baro 1/1 ah labada kooxoodna ku kala qaybsadeen dhibcaha ciyaarta.

Sii Akhriso: Ma Kugu Dhacday In Gabadha Aad Jeceshahay Telefoonka Kaa Qaban Wayo Kadib Kugu Soo Celin Waydo, Ma Dhacday In Ay Ka Jawaabi Waydo Fariimahaaga, Arimahan Ayaa Sabab U Ah.


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *