Adigoo Garanayn Dabaal, Bad-Weyn Dalaq Lama Yidhaa ( Abdi-Shotaly).


Spread the love
N.B Geelle Jire Muxuu Garanayaa, Guburo Dheeraaye

Muwaadin waxan maanta
u soo qalab qaatay,  askariga ”
Raggii ma adigaa ka hadhay” oo  meel
uu ka baxaa aanay jirin haba-yaraatee, kaas oo isaggii is gawracaya, oo xaal-kiisii
noqday, dhan-kani hirig, dhanka kale jar iyo laag aan dib looga soo noqon,
dhex-duna ay hog madhan tahay, docddii uu talaabo u qaad is yidhaahaa-ba waa u
hoog iyo ba’, halaag iyo balan-bal aan yarayn. Saaka akhristaw, waxa uu
doon-doonayaa, oo uu garan la’yahay, wadaddii uu u mari lahaa in loo sameeyo
Korodh-siimo, markaas buu kolba derbi isku qaadayaa, qaar awr-kiraala-yaal ah,
oo xildhibaano ku sheeg ah, hadba uu hoosta ka soo dirayaa, Xusbiyaa la
furayaa, hadda isagii baa soo celiyey, haduu doonaayo saw muu saxeexeen? qaar
aan fekerin, oo colaad beeleed ay madax maretay, iyo maxakamad ku sheeg uu amar
siiyo, wuxu yidhaah-dana u xukunta baa meesha uu dhigtay. waxa-se ka khalan in
aanay maanta u suuro-gelayn sidda uu rabaa, ee ay gacanta ku hayaan Rag aan
dhan raacsa-=nayni, oo u daacad ah ummadoodda, iyo distoorka dal, ma joogaan
kuwiii meesha uga wakiilka ahaa, ee wax walba u dhamayn jirey marka uu
dhaameelka u tuuro..

 

Nin baabuur wata baa
mid geel jire ahi weydiiyey ” Xagaad u socotaa?” ilayn wuxu maqalay
baabuur baa la raacaaye ( Sidda askarigan maqlay wax siyaasad la yidhaaho baa
jirta). Dabeed wuxu ugu jawaabay xagaas hore, kii geel jiraha ahaa, isaga oo
aan ku odhan ma ku isii raaci karaa? Halkaa hore baa reerku iga yaalaa aad sii
marayso’e, buu gaadhiggii jenbiga kaga booday. kii darawalka ahaa baa inta uu
la yaabay, madaxa qabsaday ninkan iska fuulay, wuxu ku yidhi adeer waxan kaa
rabaa kiraddii, wuxu ugu jawaabay mar kale oo ma wax baa laga bixiyaa miyaan la
iska fuulin ( Sidda Askarigan Siyaasadda Kufsaday), in uu dadka qaad-qaado
ayuun baan maqli jiraye, oo qaar baa igu odhan jirey baabuur baanu soo
raacnaye? Ee anna sii raac baan is idhi. Iyaba waa yaabka yaab-kiise, ninkii
gaadhiga lahaa, isaga oo dhana kaga qoslaaya aqoon darradda ka haysta geel
jiraha, dhana ka fahmay qabka ku jira iyo halkuu isla joogo, buu si lama filaan
ah u yidhi anakaa wax aragnay, ka bacdi intuu toban-kiisii farood dhafoorka
saaray buu yidhi ” Geel jire muxuu garanayaa, guburo dheeraaye, gaadhiga
wuxuu moodayaa, geed la korayaaye” oo micna-heedu yahay, malaha in uu
bilaash yahay buu u haystaa oo la iska fuulo, ee ma yaqaan in lacag laga
bixiyo, bal hadaba waxan u soo qaatay ee aan uga jeedo, halkan hoose ka
akhriya.

 

Kuwan askarta ah ee
Somaliland ba’saday, waxay la mid yihiin geel-jirahaas aan haba-yaraatee, wax
fekred ah ka haysan siduu u shaqayeeyo baabuurku. Hore baa murtiyi u ahayd
” adoon garanayn dabaal, bad-weyn dalaq lama yidhaah” Waayo mawjadda
baa ku qaadaysa, aakhir-kana intaad ku hafato baad ku dhimataa. Waxa sidaas ka
dhigan akhristaw, askariga la yidhaaho ” Raggii ma adigaa ka hadhay”
oo aabihii Af-weyne ku soo taba-baray ” Digtoonaw iyo dib u jeeso” oo
intaa mooyaane aan wax kale-ba maqal siduu dab uga baydhay, baa markuu xukunka
boobay? is yidhi wax baad taqaanaa ee maamulka ku keli noqo. Hore baa
maah-maahi u ahayd ” Illaahaw nin aan wax-ba ogayn ha cadaabine” Wuxu
tallo mooday ama door-biday in wax lagu maamulo ” Qarjajac iyo kaladh
is-laac” dabeed waa kaas ku haftay, dooniyi bad-weyn kula sabeynayso, ee
mawjaddii kolba dhinac u gaxaysa-nayso, meel ay la tegi doon-tana aanu
garanayn. In uun buu nasiib yeelan lahaa malaha, haday kula caarido xeebta ay
iska galaan badda iyo dhulkuye, laakiin-se meeli-ba meeshay ka sii xumayd bay
mawjadu ku sii tuuraysaa, haduu naf la caarid yahay, wuxu hadeer marayaa halkii
uu illaah ha u naxarristo’e Abdala Sagsaag ka lahaa ” Bad baa igu
gaaf-wareegsanoo, cirkaan gabal ka arkayaa, mawjado gurxamaan dhex galay, oo
dhex-dooddii ka hadlayaaye, ilayn geed la cuskadaana” ee bal askarigan
dhegaha xidhan yaa ka saari doona? Isaggii baa isi soo dabaye. Wuxu imika la
mid yahay geel-jiraha sare ku yaal iyo nin-kaas aan dabaasha aqoon ee biyihii
milix-dda lahaa khasab mawjadu ku cabsiisay.

 

* N.B Geelle Jire
Muxuu Garanayaa, Guburo Dheeraaye.

Qore:- Abdi-Shotaly.


Like it? Share with your friends!

0

Comments

comments