Afar Qodob Oo Aduunka Manta U Daneynayo Somaliland Aan Duruufaha Taagan Looga Maarmayn


Spread the love

Dawladii ingiriiska ( Great Britain) waxa ay 1885
 

Aduunka
dalwaliba waxa uu haysto ee uu qiimaha ku leeyahay ayuu maalgalin iyo horumarin
ku sameeyaa si qiimihiisa iyo baahida aduunka kale u qabaa kor ugu sii kacdo.

Hadii
aad taariikhda dib u raacdo dalka jamhuuriyada Somaliland muhiimada ugu weyn ee
aduunku u danaynayey waxa ugu weynaa bugcada ay dhacdo juquraafi ahaan (
Geographical location ) oo ahayd meel haboon ( strategic position) aduunka dal
waliba danaynayo.

Dawladii
ingiriiska ( Great Britain) waxa ay 1885 kii u soo degtay jamhuuriyada Somaliland
ee ugu weynaa waxay ahayd meel ay ka ilaashato saldhigii weynaa ee Cadan ( Aden
military base ) in ay ka ilaashato iyo in Somaliland tahay meel ciidamada
ingiriiska ee aduunka Bari iyo Galbeed u kala socda sahayda ka qaataan sida
hilibka xoolaha oo kale.

Markaa
maanta waxa ugu weyn ee dawladaha gobolka Geeska Africa isku haystaan waa sidii
looga faaiideysan lahaa aduunka danaynaya gobolkani oo ku soo xoomay xeebaha
badda cas .

Waxa
labaad ee maanta aad loo daneynayaa waa in dalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo
guud ahaan Geeska Africa leeyahay khayraad dabiici iyo tamar sida shidaalka oo
kale oo aduunkii waxa sii yaraanaya saliidihii iyo gaaskii dabiiciga ahaa oo
qiimahoogiina kor u sii kacayo.

Markaa
waxaa qasab noqotay in la helo kaydad iyo meelo laga soo saaro shidaalo iyo
tamar dabiici ah si loogu fududeeyo dadka aduunka nolosha sii adkaaneysa isla
markaana loo helo meelo kale oo lagu baxsan karo hadii dawladaha khayraadka
lehi isku dhacaan ama cilaaqaadyada siyaasiga ahi xumaadaan.

Waxa
sadexaad ee Jamhuuriyadda Somaliland muhiimka u tahay waxa weeyaan waxa ay
xudun u tahay istarataji ah aduunka , waxaanay leedahay xuduud badeed 850km oo
badacas ah waana marin badeedka labaad ( Sea corridor) ee aduunka ganacsiga ugu
badani ka gudbo.

Muhiimada
jamhuuriyada Somaliland u leedahay aduunka ee afraad ayaa ah dhul ku haboon wax
beerista markii baahida cunada aduunku kor u kacday ka dib dagaalkii Ukraine
& Russia oo soo saari jirey 28% qamadiga aduunka , haddaba si loo helo
meelo kale oo wax lagu beero laguna badbaado ayaa jamhuuriyada Somaliland tahay
dhulka ugu haboon ee wax laga beeri karo.

Mohamed
Abdi Jama
Mohamed
Dhimbiil

 


Like it? Share with your friends!