Afhayeenka XS Macalimuu oo Muqdisho dib ugu soo laabtay.


Spread the love

Muqdisho-KNN-Magaalada Muqdisho waxaa maanta dib ugu soo laabtay oo lagu soodhaweeyay Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimuu, kadib markii uu kasoo bogsaday qarixii uu ku dhaawacmay ee lala eegtay Gaari u saarnaa.

Soodhaweynta Afhayeenka waxaa qeyb ka ahaa mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, Bahda Saxaafadda, Ehelkiisa iyo qaar kamid ah saaxiibadiis.

Macalimuu ayaa  haatan ah musharax u taagan Mid ka mid ah kuraasta deegaan doorashadooda tahay Beledweyne, isagoo qorshihiisa imaanshaha uu salka ku haayo u tartamida kursigaas Golaha Shacabka ah ee Baarlamaanka 11-aad.

Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimuu waxaa uu dhaawac culus kasoo gaaray qarax ismiidaamin ah oo muqdisho lagula eegtay  16-kii Bishii Janaayo, iyadoo dhaawicii kasoo gaaray qaraxaas loo geeyay dalka Turkiga si xaaladiisa caafimaad halkaa loogu dabiibo.


Like it? Share with your friends!