0

Kooxda Barcelona ayaa isku diyaarinaysa kulamada kadib fasaxa xulalka iyada oo Ronald Koeman isku diyaarinayo kulamo adag oo uu doonayo in uu ku badbaadiyo mustaqbalkiisa kooxda Barcelona.

Waxa jira xiddigo badan oo dhaawac uga maqnaa kooxda Barcelona ka hor intii uuna bilaaban fasaxa xulalka waxana jira xiddigo ay doonayaan in ay dib ugu soo laabtaan.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa warbixintii ugu dambeeyay ee xaalada xiddigaha kooxda Barcelona ka hor soo laabashada kulamada kooxda.

Ronald Araujo

Xiddiga reer Uruguay ayaa laga saaray kulankii Argentina sabab la xidhiidha xanuun uu ka dareemay Bawdada, dhaawaca ma ahan mid halis ah waxana uu mari doonaa baadhitaan dheeraad ah si loo ogaado xaaladiisa.

Jordi Alba:

Daafaca bidix ayaa tababar la qaadanaya kooxda waxaana la filayaa inuu taam u noqdo kulamada soo socda.

Pedri:

Xiddiga 18 jirka ah ayaa wali dhaawac ku maqan waxana la filayaa in uu hal ama 2 todobaad kadib.

Ousmane Dembele

Xiddiga reer France ayaa dib u bilaabay tababarka kooxda, sida ay sheegtay Cadena SER, Joan Laporta ayaa horay u sheegay in Dembele uu taam u noqon doono inuu ciyaaro isbuucaan.

Sergio Aguero

Weeraryahanka reer Argentina ayaa sii wada tababarka si shaqsi ah.

Wuxuu heli karaa daqiiqadihiisii ​​ugu horreeyay ee Barca kulanka Valencia ee Axada.

Martin Braithwaite

Braithwaite ayaa weli ka soo kabanaya dhaawac jilibka ah.

Weeraryahanka ayay u badan tahay inuusan u ciyaari doonin Blaugrana ilaa 2022.


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *