Akhriso:- Ciraaqiga Qaxootinnimada Ku Tagay UK Ee Wasiirka Ka Noqday


Spread the love

Nadhim Zahawi, wasiirkii hore ee waxbarashada ee xukuumada Boris Johnson, ayaa loo magacaabay wasiirka cusub ee maaliyadda.

Arintan ayaa timid kaddib markii uu iscasilay wasiirkii hore Rishi Sunak, kaas oo xilka ka degay markii uu kalsoonidii kala noqday Johnson.

Zahawi oo 55 jir ah ayaa laga yaabaa in marka uu qabto mid ka mid ah jagooyinka ugu muhiimsan dowladda Ingiriiska ay ku noqoto wax aanu xitaa ku riyoon yaraantiisii.

“Waxay u badan tahay inaan ahaa mid ka mid ah dadka ugu nasiibka badan,” ayuu yiri Sahawi oo ah xildhibaan laga soo doorto Stratford-upon-Avon ee bartamaha England.

Zahawi wuxuu ku dhashay dalka Ciraaq sanadkii 1967. Wuxuu ka mid noqon dadkii lagu qasbay in ay galaan dagaalkii lala galay Iran sanadihii 1980-aadkii.

“Askari baa la iga dhigi lahaa ka mid ah ciidamada Ciraaq ee ka dagaallamayay furimaha hore. Waxaa dhici kari lahayd in halkaa la igu dilo,” ayuu u sheegay saxafiga Nick Robinson mar uu waraysi siinaayay sanadkii hore.

Hase yeeshee, Nadhim iyo waalidkii ayaa ka qaxay Ciraaq, waxayna galeen Ingiriiska halkaas oo uu ku koray. Qoyskiisu aad bay saamayn ugu lahaayeen Ciraaq. Awowgii wuxuu ahaan jiray guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Ciraaq oo wuxuu sixiixiisu ku yaallay lacagta Ciraaq.

Laakiin, markii uu Sadaam Xuseen xukunka qabtay 1979-kii qoyska Sahawi waxay dareemeen khatar.

Nadhim aabbihii oo ahaa nin ganacsade ah ayaa ogaaday in maamulku doonayay inuu xiro, si degdeg ah ayuuna u baxsaday.

“Xusuus xanuun badan”
Nadhim Zahawi wuxuu xasuustaa walaaca xubnaha qoyska markii ay sugayeen diyaaraddii kala duushay garoonka diyaaradaha ee Baqdaad.

Markii ay wada fuuleen dhammaan dadkii rakaabka ahaa ayaa waxaa diyaaradda ku soo dhawaaday gaari ciidan ah. Hooyadii ayaa ilmeysay markii ay arkeen ciidamada oo xiraya qof rakaab ah oo ka soo dejinaya diyaaradda.

Nadhim wuxuu dhacdadaas ku tilmaamay “dhacdadii ugu xanuunka badnayd carruurnimadiisii,” oo aanu waligii taas oo kale arag.

Nadhim wuxuu ku koray gobolka Ingiriiska ee Sussex. Wuxuu wax ku bartay dugsiyo gaar loo leeyahay oo uu ka ahaa arday aad u wanaagsan.

Laakiin, musiibo kale ayaa qoyska la soo deristay markii Nadhim uu gaaray xilligii uu geli lahaa jaamacadda, taas oo ka dhalatay ganacsigii aabbihii oo burburay, waxaana u soo haray oo keliya baabuur uu midabkiisu bunni yahay oo Vauxhall uu ahaa.
Markii ay taasi dhacday ayaa Nadhim oo yar wuxuu go’aansaday in uu gaarigaas duugga ahaa u isticmaalo taksi ahaan, si uu qoyskiisa ugu maareeyo.

Balse hooyadiis waxay ku adkaysanaysay in uu helo waxbarasho jaamacadeed, markaas ayay dahabkeedii rahantay si aanu uga welwelin xaaladda dhaqaale ee qoyska.

Nadhim wuxuu galay University College London halkaas oo uu ka bartay injineernimada kiimikada. Dabadeed isagoo raacaya waddadii aabbihii ayuu galay dunida ganacsiga iyo maaliyadda, halkaas oo uu ka aasaasay shirkad ku takhasustay iibinta agabka la xiriira barnaamijka Teletubbies ee carruurta – oo caan ku ahaa sideetamaadkii qarnigii hore – shirkad uu lahaa Geoffrey Archer (oo haatan la yiraahdo Lord Archer) oo ka mid ahaa siyaasiyiinta hormuudka ka ah xisbiga Conservative-ka ayaa maalgashaday berigaa.

Lord Archer ayaa u sheegay barnaamijka Profile ee BBC-da ka baxa in uu xusuusto in Nadhim yaraantiisii uu ahaa qof “hibo dabiici ah leh oo wax isku xiri kara, “markaa haddii aad u sheegto in aan u baahannahay lix taksi saddex diyaarad iyo bas labo dabaq ah, dhammaan 30 daqiiqo gudahood ayuu ku diyaarin lahaa.”


Like it? Share with your friends!

0

Comments

comments