Al-shabaab Oo Qarxiyay Ceelka Biyaha Iyo Isgaarsiinta Deegaanka Cadakibir Ee Gobolka Galgaduud


Spread the love

Wararka naga soo gaaray deegaanka Cadakibir oo hoos yimaada Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Al-shabaab ay qarxiyeen Ceel biyood ku yaall deegaankaasi.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in dhacdadaan ay dhacday 4:00, markaasi oo dadka ay inta badan hurdeen.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab ay sidoo kale qarxiyeen xarruumaha laba shirkad oo kuwa Isgaarsiinta ah, kuwaasi oo ku yaalla deegaanka Cadakibir.

Cadakibir waa deegaan Cadaado dhanka bari uga beegan 60 KM, waxaana Degmada Baxdana oo dhowr jeer Shabaabka weerareen u jirta 30KM oo jihada Galbeed ah


Like it? Share with your friends!