Albert Einstein iyo Suratul Kahfi


Spread the love

W/Q: Dr. Fosi Mohamoud Qoofal

Albert Einstein waa saynis-yahankii ay Time Magazine u
aqoonsatay inuu yahay shakhsiyadda ku astaysan qarnigii 20aad (The Person of
the 20th Century). Einstein wuxuu ku caan-baxay xisaabaadka uu ka sameeyay sida
cufis-jiidadku u sameeyo gedgedoonka waqtiga (how gravity affects time and
space).

Si fudud haddaynu u dhigno, Einstein wuxuu soo bandhigay in
laba qof oo laba meelood kala jooga aanu waqtigu si isku mid u soo wada marin,
hal dhacdana isku si aanay u wada arkahayn (theory of relativity).

Intiina filimaanta jecel, haddii aad dawaateen filimka
magaciisa la yidhaahdo Interstellar ee soo baxay sanadkii 2014, waxaad tusaale
ka aragteen qaabka theory of relativity u shaqayso. Aktarka filimka metelaya oo
ah nin cirbixiyeen ah ayaa isaga oo 33-jir ah loo dirayaa hawlgal ah inuu soo
helo meere kale oo looga guuro dhulka, maadama oo uu dhacay dagaal nukliyeer ah
oo dhulkii noqday lama-

 
deggaan aan lagu sii noolaan karin. Haddaba wuxuu dhulka
kaga tegayaa gabadh yar oo uu dhalay oo 8 jir ah. 
Dayax-gacmeedkii ay wateen
ayaa wuxuu sii jiidhayaa goob uu aad u sareeyo cufis-jiidadkeedu (high
gravity), kana dhigaysa waqtiga mid gaabiya. Markuu hawl-galkii ka soo laabto
ayuu ugu soo noqonayaa inantiisi yarayd oo 90 jir kor u dhaaftay iyo isaga oo
aan weli da’ ahaan is-bedelin. Aabahiina weli waa 33-jir, inantiisa waa 90 iyo
dhawr jir.

 
Sidaas si la mid ayaa Quraanka laga helayaa tusaalayaal
fikradda waqtiga kala duwan ah (theory of relativity).

1.Suuratul Kahfi waxay suuraynaysaa fikraddaas iyo
aragtida Albert Einstein. Qisadu waa dhalinyartii iskaga tegtay magaaladoodii
ka dib markay ka biyo diideen asnaamtii ay caabuudayeen qoomkoodu. Deedna waxay
magan-galeen god ku yaal buur magaaladda u dhaw,
2.
3.halkiina
hurdo ayaa ugu timi. Haddaba, markay soo tooseen waxay is-weydiiyeen intuu
leegyahay waqtiga ay hurdeen. Waxay isla garteen in maalin ama maalin-badhkeed
keliya ay hurdeen. Lakiin, magaaladdii ay ka yimaadeen waqtiga ay jartay waxaa
lagu qiyaasay 300 sano iyo wax ka badan (Ilaahaybaa se og).
4.
5.Qudradda
iyo weynidda Ilaahay ayaa godka dhalinyartaasi ku jirto iyo magaaladdoodi ka
kala dhigtay laba goobood oo ku kala mareeya cufis-jiidadyo kala duwan
(different gravities), sidaad darteedna, waqtigu siduu u soo marayaa kala
duwanyahay. Dhalinyarta waqtigoodu waa gaabis, halka ka magaaladduna uu
dheeraynayo.

2. Suuratul Baqra iyana waxay inoo sawiraysaa nin jiritaanka
Ilaahay aamini waayay oo hurdo laamadood ah la geliyay. Markii uu soo toosayna,
ee uu is-yidhi maalin ama maalin badhkeed ayaad hurudayna, lagu yidhi: eeg
dameerkaagii isagu qalfoof ayuu noqdaye, cuntadaadina eeg, iyadu ismay
bedeline. Halkanna waxaa laga garanayaa in Ilaahay (SWT) uu ninka, dameerkiisa
iyo cuntadiisiiba kala saaray saddex weel oo kala cufis-jiidad/gravity duwan.

 
3. Ugu dambayn, waxaynu ognahay in Quraanku ku sifeeyay
maalinta qiyaame maalin u dhiganta 50,000 sano oo taariikhdeena ah (المعارج‎).
Qof kasta maalintaasi xaddi waqtiyeed oo gaar ah ayay u leedahay. Malaa’igta
waxaa la sheegaa in maalintaas uga dhigantahay iyaga 24 saac keliya.

Haddaba, Albert Einstein iyo fikraddisa relativity waxay
inoo cadeeyeen qudradda iyo awoodda Ilaahay. Ilaahay aynu u caabudno sida xaqa
ah ee uu inaga mudanyahay. Jazakumu Laahu khair.


Like it? Share with your friends!