Amnesty oo 10 qodob ka dalbatay Xasan Sheekh


Spread the love

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa warbixin cusub kasoo saartay xaaladda Soomaaliya, ayada oo talooyin usoo jeedisay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Amnesty ayaa ugu baaqday madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud inuu wax ka qabto tacadiyada xuquuqda aadanaha ee ka dhaca Soomaaliya.

Sidoo kale waxa ay soo saartay hay’addu 10 qodob oo ay kula talisay inuu qaado madaxwynaha, si uu ugu saleeyo tallaabooyinkiisa.

Halkan hoose ka aqriso:-

1-In la ilaaliyo xuquuqda rayidka.

2-Dib u habaynta nidaamka garsoorka.

3-In la xaqiijiyo caddaaladda iyo magdhowga xadgudubyada ay geystaan ciidamada shisheeye.

4-In la dhowro lana ixtiraamo xoriyada hadalka.

5-Dammaanad qaad iyo ilo ku filan helitaanka xaqa caafimaad ee qof kasta.

6-In la ilaaliyo dadka gudaha ku barakacay lana joojiyo raritaan qasab ah.

7-In la ilaaliyo xuquuqda carruurta.

8-In la Ilaaliyo haweenka iyo gabdhaha xuquuqdooda bini’aadantinimo lagana ilaaliyo xadgudubyada galmada.

9-Ka-hortagga isbeddelka cimilada iyo xasaradaha kale.

10-In la dhiso oo la hawlgeliyo Komishanka Xuquuqul Insaanka Qaranka.


Like it? Share with your friends!