0

Antonio Rudiger ayaa lagu soo waramayaa in uu ka niyad jabay dalabkii ugu dambeeyay ee ay kooxda chelsea u soo bandhigtay si uu heshiis cusub ugu saxiixo kooxda.

Inkasta oo uu muhiim ka yahay kooxda Thomas Tuchel hadana xiddiga reer Germany ayay bilo yar uga hadheen heshiiskiisa kooxda Chelsea.

Chelsea ayaa wada dadaal ay doonayso in ay heshiis cusub uga saxiixato xiddiga 28 jirka ah kaas oo qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay Bild, Rudiger uma dhowa inuu qalinka ku duugo heshiis cusub kooxdu u soo ban dhigtay lacag ka yar midii uu doonayay.

Wararka ayaa sheegaya in uu Rudiger doonayo in uu todobaadkii helo lacag dhan 190 kun oo Gini todobaadkii taas oo sanadkii u dhiganta 10 milyan sanadkii


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *