0

Tababarihii hore ee kooxda Inter Milan Antonio Conte ayaa si lama filaan ah uga hadlay mustaqbalka xiddiga reer Morocco ee Achraf Hakim kaas oo haatan u ciyaara kooxda PSG.

Achraf Hakim ayaa ka soo hoos ciyaaray Antonio Conte markii ay wada joogeen Inter Milan waxana ay ku wada guulaysteen horyaalka Serie A-da xilli ciyaareedkii hore.

Conte oo la hadlaya le10sport ayaa yidhi”Achraf Hakim waxa uu ku riyoonayaa in uu ku biiro kooxda Real Madrid waliba mar kale u ciyaaro”.

Xiddiga Achraf Hakim ayaa ka soo baxay Akademiyada Real Madrid waxana uu u ciyaaray heerarka kala duwan ee kooxda isaga oo u soo dalacay kooxda 1-aad sanadkii 2017.

Si kasta ha ahaatee xiddiga Achraf Hakim Ayaa qaab toos ah uga tagay Real Madrid sanadkii 2019 isaga oo ku biiray Inter Milan ka hor inta uuna Suuqii xagaaga ku biirin PSG.

Sii Akhriso: Fariimo jacay: Waxa Ugu Fiican Ee Aad Aad U Sheegi Kartid Qofka Aad Jeceshahay.


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *