Apple oo dadka isticmaala iPhone uga digtay in gariirka mishiinadu dhaawaci karo


0

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Dadka isticmaala teleefanada gacanta ee iPhone ayaa looga digay gariirka xoogan ee ay sameeyaan mootooyinka ama dhugdhugleyda waaweyn oo dhaawici kara habka ay u shaqayso kamarada telefoonkaas, sida ay sheegtay shirkadda Apple.

Shirkaddan weyn ee dhinac tiknoolajiyada ayaa digniintaas ku sheegtay in ay dadka adeegsada telefoonadaas aanay saarin ama aanay dul dhigin mishiinka dhugdhugleydayaas.

Gariirka mishiinka ayaa waxa uu dhaawici karaa habka ay u shaqayso kamaradda telefoonadaas ee ah tiknoolajiyadda fadhiisisa muuqaalka marka sawir la qaadayo.

Dadka adeegsada mootooyinka yaryar sida noocyada loo yaqaan Scooter ayaa sidoo kale lagula taliyey in ay adeegsadaan buushka gariirka mishiinka ka yarayn karaya telefoonadooda iPhone marka ay khaanadda dhugdhugleyadooda ku ridayaan ama ay dul dhigataan mishiinka.

Dadka adeegsada telefoonadaas ayaa qoraallo ay ku baahiyeen baraha bulshada ku sheegay in telefoonadooda dhaawac gaadhay ka dib markii ay ku rideen khaanadaha mootooyinkooda oo gariirka mishiinku wax yeelay amaba ay ku xidhaan isteerinka.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Shirkadda Apple ayaa sheegtay in dhawr nooc oo ka mid ah telefoonada iPhone ay u nugul yihiin dhaawacaas.

Qaybta dhaawacu gaadhayo ayaa ah ta loogu talo galay in ay hagaajiso tayada sawirada oo ah tiknoolajiyad dhaqdhaqaaqa iyo gariirka iyo sidoo kale saamaynta cuf isjiidadka isku dheeli tirta.

Laakiin dhugdhugleyda guuxoodu aadka u weyn yahay ama awoodda mishiinkoodu dhaliyaa “gariirka xoogga ah” ayaa wuxuu ku baahaa dhugdhugleyda oo idil.

Xalku markaa waxa weeyi in aan la saarin ama aan lagu ridin khaanadaha mootooyinkaas ku xidhan telefoonada iPhone, arintaas oo ah mid badanaa ay dadku sameeyaan oo ay ku rakibaan telefoonadooda shookaanta mootada si ay uga eegtaan khariidada wadooyinka marka ay meelo aanay garanayn tagayaan.


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *