0

Waxaa goordhow lasoo saaray liiska aqalka saree e Somaliland iyada oo lagu soo daray dad cusub, waxaana ka muuqato in liiskan uu ka tarjumayo heshiiska guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi iyo ra’isul wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed, mana ku jiraan wax muran dhalin kara.

liiskan oo ka kooban 11, waxaa guddoomay ra’isul wasaare Maxamed Rooble, waxaa ka muuqata in haweenka loo xiray labo kursi, halka labo kursi kale ay rag kula tartami doonaan.

Dadka cusub, waxaa ka mid ah  wasiirka warfaafinta Cusmaan Abuukar Dubbe, guddoomiyihii hore ee maxkamadda sare Ibraahim Iidle Suleysan iyo Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar.

Kusriga 1-aad waxaa loo xiray guddoomiyaha aqalka saree e baarlamaanka federaalka ah Cabdi Xaashi Cabdullahi, ma jirto cid kula tartameyso.

Kusriga 2aad waxaa ku tartamaa Axmed Ibraahim Maxamed Qorane iyo  Baashe Maxamed Ismaaciil

Kursiga 3-aad waxaa ku tartami doona Leylo Axmed Ismaaciil iyo  Maxamed Maxamuud Cabdi

Kursiga 4-aad waxaa ku tartamaya  Deeqo Xasan Xuseen iyo Hodan Obokor Xasan

Kursiga 5-aad waxaa ku tartami doona Maxamed Maxamuud Allabari , Cabdi Ismaaciil Samatar iyo Cabdiraxmaan Cusmaan Cali

Kursiga 6-aad waxaa ku tartami doona Bilaal Idriis Cabdullahi iyo Zeynab Axmed Boqorre

Kursiga 7-aad waxaa ku loolami doona Saalax Axmed Jaamac iyo Ibraahim Iidle Suleysan

Kursiga 8-aad waxaa ku tarmai doona Saciid Cabdi Xuseen iyo Jaamac Cabdullahi Maxamed

Kursiga 9-aad waxaa ku tartami doona Cabdirisaq Axmed Cali, Xasan Cabdi Gaas iyo Axmed Maxamed Saciid

Kursiga 10-aad waxaa ku loolami doona Cusmaan Abokor Dubbe iyo Cabdikarim Maxamed Xasan

Kursiga 11-aad waxaa ku tartami doona  Muno Cumar Xasan, Naciimo Xasan Xaaji Maxamuud(Gadhweyne) iyo Sucaad Xasan Maxamed

Goobjoog New


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *