araakiisha Ciidanka DANAB Oo Sheegay Inay Howlgal Ku Dileen Saraakiil Ka Tirsan Al-Shabaab


Spread the love

Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan Ururka 4-aad ee Kummaandooska DANAB ayaa howlgalo qorsheysan waxaa ay saacadihii lasoo dhaafay ka sameeyeen degaano hoostaga degmooyinka Awdheegle, iyo Qoryeeleey ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalka lagu burburiyey Maxkamad Shabaab ay ku lahayeeen tuulooyinka Adiimoole iyo Degwariiri ee ku yaallay inta u dhexeeyso degaanka tooratooroow iyo degmada Qoryooleey.
Ciidanka Xoogga dalka ayaa sidoo kale howlgal ka sameeyay Tuulooyinka Daarusalaam iyo Mubaarak, halkaasi oo uu dagaal khasaaro dhaliyey ku dhexmaray Ciidanka Kummaandooska DANAB iyo dagaalamayaasha Al-shabaab.

Taliyaha ururka 83-aad G/le Nuurdiin Macalin Xuseen oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa u sheegay in howlgalka laga fuliyay Shabeellaha Hoose lagu dilay afar Sarkaal iyo 7 xubnood kale oo kamid ahaa Al-shabaab.

Ciidamada Kumaandooska DANAB ee xoogga dalka ayaa marar kala duwan sidaan oo kale waxaa ay howlgalo qorsheysan oo lagu dilay xubno ka tirsan Shabaabka uga fuliyeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.


Like it? Share with your friends!

0

Comments

comments