Argagax ka dhashay qaraxyo ka dhacay Qudus iyo sida looga falceliyay


Spread the love

Xigashada Sawirka, Reuters5 Saacadood ka horWaxaa isa soo taraya falcelinta ka dhalatay laba qarax oo mataano ah oo lagu weeraray boosteejooyin laga raaco gawaarida dadweynaha oo ku taalla magaalada Qudus, iyadoo argagax xooggani uu ka dhashay weerarkan oo aan wali cidna sheegin. Kadib kulan uu la qaatay mas’uuliyiinta amniga ayaa ra’iisul wasaaraha Isreal ee xilka ka sii dagaya Yair Lapid wuxuu sheegay in weerarradaas uu ku dhintay wiil 15 sano jir ah oo haysta dhalashada Canada balse asalkiisu ka soo jeeday Israel.Sidoo kale waxaa ku dhawaacantay 14 qof.Lapid wuxuu u xaqiijiyay “muwaaddiniinta Israa’iil,” isagoo leh, “Tallaabo waan ka qaadi doonnaa, way carari karaan oo way  is qarin karaan, laakini tani ma caawin doonto, ciidamada ammaanku waa ay wax way ka qaban doonaa,”.Dhacdadaan ayaa imaanaysa iyadoo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Benjamin Netanyahu uu wadahadalo la yeelanayo xulafada si uu u soo dhiso xukuumad cusub oo garabka midig ah oo ay ku jiraan xubno ka tirsan xisbiyada dhanka diimaha u janjeera iyo kuwa midigta fog.Itamar Ben Gvir, oo ah xildhibaan ka tirsan xisbiga midigta fog, isla markaana doonaya inuu qabto xilka wasiirka amniga guud, ayaa booqday goobta uu weerarku ka dhacay.”Waxaan u baahnay in  ciqaab ay maraan argagixisado,” ayuu yiri Ben Gvir. Wuxuu ku baaqay in la soo celiyo siyaasaddii maxaabiista reer Falastiin lagu bartilmaameedsan jiray oo lagu dili jiray.Wuxuu sidoo kale ku baaqay in la soo dhiso xukuumadda cusub si ay amniga wax uga qabato.Qaraxa koowaad ayaa ka dhacay goob basaska laga raaco oo ku taalla mid ka mid ah waddooyinka laga soo galo galbeedka magaalada Qudus, halka kan labaadna uu 20 daqiiqo kaddib ka dhacay xaafadda Ramot ee galbeedka Qudus.Shaqaalaha gurmadka ayaa sheegay in qarax ka dhacay goobta basaska lagana soo galo magaalada Qudus ay ku dhaawacmeen 12-qof oo labo ka mid ah ay yihiin dhaawacyo halis ah, halka qarax labaad oo ka dhacay goob kale uu burburiyay bas, saddex qofna ay ku dhaawacmeen.Ilo dhanka ammaanka ah ayaa Wakaaladda Wararka Faransiiska u sheegay in bambaanooyinka laga soo saaray meel ka durugsan aagga ay wax ka dhaceen, isla markaana la baadigoobayo dadka laga shakisan yahay. Booliiska Israa’iil ayaa xaqiijiyay in uu ahaa “Weerar Argagixiso” oo loo adeegsaday walxaha qarxa oo lagu aasay labada meelood ee basaska laga raaco.Shin Bet ayaa wakaalada wararka ee AFP u xaqiijisay in ay ahaayeen labadii qarax ee ugu horeeyay tan iyo sanadkii 2016-kii ayna fashiliyeen 34 weerar oo bambaano tan iyo bilowgii sanadkan.Wakaalladda Wararka Falastiin ee Wafa, ayaa ku warantay in ciidamada Israel ay xireen waddooyinka waaweyn ee magaalada Quddus, kadib labada qarax.Waxa ay intaasi ku dartay in boolisku ay xoojiyeen dhaqdhaqaaqyada ciidan ee ay ka wadaan agagaarka goobta uu qaraxu ka dhacay, waxayna xubnahooda geeyeen meelo kala duwan oo magaalada Qudus ah, iyadoo ay u sii dheer tahay inay dhufeysyo ka sameysteen, isla markaana ay xireen waddooyinka soo gala magaalada.Xigashada Sawirka, ReutersXafiiska wasiirka gaashaandhigga Benny Gantz ayaa sheegay in uu la tashanayo madaxa adeegga amniga ee Shin Bet iyo saraakiisha sare ee ciidamada.Eli Levy oo ah afhayeen u hadlay booliska ayaa u sheegay idaacadda ciidamada Israa’iil in qaraxa koowaad uu ka dhashay walxaha qarxa oo aad u xooggan.Levy wuxuu intaas ku daray: “Ma jirin weerar la isku dubariday oo ka dhacay Qudus muddo dhowr sano ah.”Raadiyaha ciidamada Israa’iil ayaa horay u sheegay in walxaha qarxa lagu dhex qariyay bacaha, kuwaas oo ugu yaraan mid ka mid ah ay ku jiraan masaamiir si loo kordhiyo saameyntooda.Muuqaallada kamaradaha ammaanka oo ay baahisay shabakadda wararka Israa’iil ee N12, ayaa muujinaya xilliga uu dhacay qaraxa koowaad. Telefishinku waxa uu soo bandhigay khashin daadsan guud ahaan goobta, oo ay isku gadaameen ciidamada ammaanka.Falastiin way soo dhoweysayXamaas ayaa soo dhaweysay hawlgalkan, waxayna sheegtay in uu ku yimid qaabkii ay uga jawaab celin lahayd duqeymaha ka dhacay masjidka barakeysan ee Al-Aqsa iyo “isku dayga Israa’iil ee ah kala qeybinta,” sida ay xarakadu sheegtay.Xigashada Sawirka, ReutersCabdul al-Latif al-Qanou, oo ah afhayeenka Xamaas, ayaa yiri: “Waxaan ugu hambalyeyneynaa dadkayaga Falastiiniyiinta iyo dadkeena ku nool magaalada la haysto ee Qudus howlgalka geesinimada leh ee tayada leh ee ka dhacay boosteejada baska, kaas oo ku yimid qaab dhismeedka jawaabta joogtada ah Duulaanka Masjidka Al-Aqsa,”.Afhayeenka Dhaqdhaqaaqa Jihaadka Islaamiga ah, Daud Shehab, ayaa isana sheegay in wax uu ku tilmaamay “Hawlgalka Quddus ee muhiimka ah” uu u yimid si ay u gaarsiiyaan fariimo ay u jeedinayaan Hogaamiyayaasha Xagjirka ah ee Israa’iil in dhibaateynta Qudus iyo nolosha Falastiin ay tahay khad cas, isla markaana aan laga jawaabi doonin. dhammaan fariimaha, sida uu hadalka u dhigay.Waxa uu intaasi ku daray “Waxaan wajahaynaa dowlad Sahyuuniyad xag-jir ah oo doonaysa in  gumaysiga dhiig badan ku daato, kuna dhawaaqdo dagaal ka dhan ah shacabkeenna Falastiin, waxaana jira heshiisyo ay dhexdooda ka gaareen, maantana waxaan wajahaynaa howlgalo, muhiim ah oo geesinimo leh,”.Reer Galbeedka oo cambaareeyay weerraradaSafaaradda Mareykanka ee Israa’iil ayaa barteeda twitter-ka ku soo qortay “in ay si adag u cambaareyneyso weerarrada argagixisanimo ee maanta lagu qaaday goobaha dadweynaha ee magaalada Qudus, waxaana ay tacsi u dirtay safaaraddu ehelada dhibanayaasha.Waxay intaas ku dartay, “Waxaan si dhow ula soconnaa xaaladda. Argagixisanimadu waa dhammaad,”.Neil Wigan, safiirka Ingiriiska u fadhiya Israa’iil, ayaa bartiisa twitter-ka ku sheegay: “Aad baan uga naxay weerarradii argagixisanimo ee saaka ka dhacay meel u dhow magaalada Qudus, kaasoo sababay dhimashada hal qof iyo dhaawaca dad kale oo badan.Waxa uu intaa ku daray: “Waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa dadka ay dhibaatadu saameysey iyo qoysaskooda iyo asxaabtooda. UK waxay garab taagan tahay Israa’iil ka hortagga argagixisada.”Dimitr Tzanchev, oo ah safiirka Midowga Yurub u fadhiya Israa’iil, ayaa sheegay in ay “ka xumaadeen weerarrada argagixisada”.“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoysaska dhibanayaasha, waxaana u rajeynayaa caafimaad degdeg ah dhammaan kuwa ku dhaawacmay, argagixisanimadu marmarsiiyo ma leh,” ayuu ku soo qoray bartiisa Twitter-ka.


Like it? Share with your friends!