0

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay dalab u dirto weeraryahanka Real Sociedad Alexander Isak mustaqbalka dhaw.

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa weli ah weeraryahanka safka hore ee Arsenal, inkasta oo qaab ciyaareedkiisu hoos u dhacay 12-kii bilood ee ugu dambeeyay.

Si kasta ha ahaatee iyada oo wax laba sano ka yar uga hadhsanyahay heshiiskiisa, Gunners ayaa bilowday raadinta badalka xiddiga 32 jirka ah.

Wargayska Football.london ayaa sheegaya in ay Arsenal isku diyaarinayso in ay u dhaqaaqdo xiddiga reer Sweden ee Isak kadib markii ay la dheceen qaab ciyaareedkiisa.

Inkasta oo uu kaliya hal gool dhaliyay tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan hadana xiddiga 21 jirka ah ayaa dhaliyay 17 gool xilli ciyaareedkii hore La Liga.

Sii Akhriso: Sideed Ku Garanaysaa Qofka Si Qarsoodi Ah Kaaga Fikirayo?


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *