0

Kooxda Arsenal ayaa doonaysa in ay Mikel Arteta siiso lacag uu ku galo suuqa January ee sanadka 2022 si uu ula soo saxiixdo xiddiga kooxda Real Madrid ee Gareth Bale waxana loo arkaa kuwo si dhab ah u doonaya saxiixa xiddiga.

Gareth Bale ayaa ku dhibaatoonaya dhaawac taas oo u diiday in uu ciyaaro kulamadii ugu dambeeyay ee Real Madrid xilli ay Kooxda La Liga ka ciyaarta isku diyaarinayso in ay iska iibiso xiddiga hadii ay hesho koox doonaysa.

Mikel Arteta ayaa Bale u arka xiddig wax badan ku soo kordhin kara kooxda hadii uu ku soo biiro marka loo eego in uu khibrad fiican u leeyahay horyaalka premier League.

Laakiin Arsenal ayaa hal shardi ku xidhay u dhaqaaqista xiddiga reer Wales marka la gaadho suuqa kala iibsiga January si ay ugu xoojiso kooxdeeda qaybta dambe ee xilli ciyaareedka.

Wargayska Defence Central ayaa sheegaya in ay Arsenal u dhaqaaqi doonto saxiixa xiddiga Gareth Bale hadii uu diyaar u yahay in uu hoos u dhigo mushaharka uu ka qaato Kooxda Real Madrid.


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *