0

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay u ogolaatay xiddiga khadka dhexe ee Mohamed Elneny in uu si xor ah kooxda uga tago suuqa January sida ay sheegayaan wararku.

Heshiiska xiddiga reer Masar ee Arsenal ayaa dhici doona xagaaga waxana la sheegay in ayna kooxdu doonayn in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga iyada oo kooxda Galatasaray doonayso saxiixiisa.

Sida laga soo xigtay The Mirror, Gunners ayaa haatan heshiis la gaartay Elneny inuu baxo suuqa January iyaga oo waliba ku fasaxaya qaab lacag la’aan ah.

29 jirkaan ayaa lagu soo waramayaa inuu u furan yahay bixitaan, isagoo kaliya labo kulan u saftay Premier League kooxda Mikel Arteta ilaa iyo haatan xilli ciyaareedkan.

Elneny ayaa yimid Arsenal xagaagii 2016 waxana uu kooxda u saftay 134 kulan isaga oo kooxda kula guulaystay koobabka FA Cup iyo labo koob oo Community Shield ah.


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *