0

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in loo sheegay in ay ku qasbantahay in ay la timaado uu yaraan dalab 45 milyan oo euro hadii ay doonayso saxiixa xiddiga Sevilla ee Youssef En Nesyri marka la gaadho suuqa January.

Gunners ayaa la rumeysan yahay inay xiddiga reer Morocco u calaamadsatay badalka macquulka ah ee xiddiga Alexandre Lacazette kaas oo la filayo in uu isaga tago garoonka Emirates Stadium.

En Nesyri ayaa dhaliyay labo gool waxaana uu caawiyay labo kale Lix kulan oo uu u saftay Sevilla xilli ciyaareedkan, halka uu 32 jeer shabaqa soo taabtay 84 kulan oo uu u saftay kooxda reer Spain guud ahaan.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in uu Mikel Arteta doonayso saxiixa xiddiga 24 jirka ah marka la gaadho suuqa January wargayska Mundo Deportivo ayaa sheegaya in ay kaliya Sevilla aqbali doonto 45 milyan si ay u iibiso xiddiga.

Wararka ayaa intaas ku daraya in kooxda ka ciyaarta La Liga ay ka dagantahay xaalada xiddiga maadama uu heshiis 4 sano ah uga hadhsanyahay qandaraaskiisu.

Sii Akhriso: Waakan Ninka Ay Dumarka Oo Dhan Jecelyihiin, Xitaa U Dhiman Karaan


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *