Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda oo Muqdisho ku dilay midka mid ah darawaladda ka xeeya Gawaarida Xamuulka ah


Spread the love

Askari ka tirsan ciidanka dowladda ayaa goor dhow si bareer ah wadada hormarta Iskuulka 21-ka October ugu dilay ANU midka mid ahaa darawalada ka xeeya Gawaarida Xamuulka ah ee ka shaqeeya dekedda magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen in ka hor dilka uu muran xoogan dhexmaray Askariga dilka geystay iyo Darawalka gaariga ,intaasi kadibna askari uu dhowr xabad ku dhuftay darawalka.

Waxa ay sidoo kale sheegeen in dilka kadib uu goobta isaga baxsaday askarigii dilka geeysatay, ayna halkaasi soo gaaren dilka kadib Ciidamada Amaanka Dowladda.

Mudooyinkii lasoo dhaafay dilalka Ceeynkaan ah oo ay geeysanayaan Ciidamada Dowladda ayaa kusoo badanayay Magaalada muqdisho, iyagoona ilaa hatan aysan Cadaad helin Dadyoow horay Ciidamada Dowladda ay uga dileen Dad ay ehel ahaayeen.


Like it? Share with your friends!