Balli-Gubadle: Xusuusta Maalin ka Mid ah Maalmihii Qadhaadhaa (Qaybtii 2aad)


Spread the love
W/Q: Kaysar Cabdilaahi

Haddii aynu halkii kasii ambo
qaadno qormadeenii ku saabsanayd markii Xaruntii Balli-gubadle la qabsaday,
waxay inoo maraysay markii ay qudbadaha noo akhriyeen Allah ha u naxariistee Mujaahid Maxamed Xuseen Qalinle oo
ahaa hawl-galiyaha  Qaybtii 31aad ee
ururka SNM iyo Taliyahayagii Guutada Koodbuur Mujaahid Xasan Maxamed Ubaxle
(Xasan Ganay) oo imika isagu Hargeysa ku sugan, sidii aynu hore u tilmaanay
Mujaahid Qalinle waxa uu ku taliyay in aanu sugno ciidamo kale oo na xoojiya
maadaama ciidanka Balli Gubadle qabsaday ay ahaayeen qaar aad u xooggan una qalabaysnaa,
hase yeeshee Mujaahid Xasan Ganay oo qudbad qiiro leh noo akhriyay waxay
sababtay inaanu diidno in ciidan kale aanu sugno waxaana aanu ku dhawaaqnay
inaanu kaligayo weerarka ku qaadi doono ciidanka Balli Gubadle qabsaday,
waxaana aanu markiiba dusha uga baxnay gaadiidkii aanu wadanay…

 

 

Waxaa lagu jiray jiray habeenka
qaybtiisii u danbeysay markii aanu Sallaxley ka dhaqaaqnay, waxaana aanu
guure  ku marnay wadada dheer ee sii dhex
marta tuulada loo yaqaan Kaam-Tuug, halkaas ayuu nagaga goostay shidaalkii
gaadhi B10 ahaa oo ka mid ahaa gaadiidka aanu wadanay, xaqiiqatan waxaaba uu
ahaa gaadhiga kaliya ee Taangiyada naga waabin lahaa, mana jirin  wax Jiibab ah oo aanu wadanay oo aanu ku
burburin karaynay kaarayaasha ay wateen ciidanka dawladu, hase yeeshee dan iyo
heello kamaanu lahayn awooda naga horraysay niyadayaduna waxay ahayd mid aad u
heer sarraysay, heesaha wadaniga ah, saliga nabiga iyo xataa gabayo goos-goos
ah ayaanu ku sii madadaalanaynay intii aanu jidka kusii jirnay.

 

 

Marrkii aanu soo gaadhnay
duleedka magaalada Gubadle waagiina uu soo guduutay ayaa ciidanka qaarkii
salaada ku tukadeen iyaga oo kabahooda xidhan, saalaada ka horreysa intaan
xabada la ridin jabhadu waxay u taqaanay “salaatul-madfac”, waxaa na tujiyay Marxuum la odhan jiray Cabdilaahi
Wadaad oo saacado yar ka dib weerarkii nagaga dhintay.

Markiiba waxaanu isku kala
bixinay safaf dhaadheer oo garabka isku haya, anaga oo hoosta kagaga soo siqnay fadhiisinkii ciidamada dawlada, xabada
ayaa markiiba  dhawaaqday,  waxaana si daran-doorri ah la isu
weydaarsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana markiiba aanu durkinay
ciidankii dawalada oo dib ugu gurtay gudaha magaalada, hase yeeshee daqiiqado
gudahood xaaladii ayaa is badashay!

 

 

Ciidankii dawladu waxay
markiiba dhinacayagiii u soo dhaqaajiyeen Kaarayaal tiro badan oo si layaab leh
noola dagaalamay, Allah ha u naxariistee mujaahid la odhan jiray Khadar Teetano
oo ka mid ahaa SNMtii hore oo khibrad badnaa oo dhinacayga  taagnaa ayaa si hoose iigu yidhi Kaysarow waa
kaas magaciisigii !

 

 

Hore ayaan u fahmi waayay
markaas ayaan ku idhi magaciisigee? Waxa uu u jeeday waa Taangi (Kaareyaal)
waxaana uu diidanaa inay maqlaan ciidanka kale, sababtoo ah ciidamada SNM oo u
badnaa Gaas-Dhagoole inta badan Taangiyada may jeclaan jirin hadii aanay
markaas wadan Jiibab taangiyadaas lagu toogto.

 

 

Dadweyne badan oo deegaanka
Balli-Gubadle ka agdhawaa iyo waliba dadkii magaalada degenaa ee ka qaxay ayaa
iyaguna dagaalka dhinacooda kaga jiray, waxaanad meel kasta ka arkaysay waraaqo
tiro badan oo hawada dul heehaabaya oo u eekaa inay yihiin waraaqihii
xafiisyada SNM dhex d yaalay, waxaana olol  uu ka baxayay qaybo badan oo
ka mid ah magaalada.

 

 

 Dagaalkii ayaa xoogaystay waxaana awood nagu
muquuniyay ciidamadii dawlada oo dib noo riixay, waxaana anaga oo niyad jabsan
aanu dib uga soo baxnay magaaladii Balli-Gubadle, iyada oo aanu ku sugnayn
xaalada ciidamada la jabiyaa ay ku marmarsoodaan ee ay ku magacaabaan “Dib u
gurasho xeel dagaal”.

 

 

Run ahaan xaqiiqdu waxay ahayd
in badi ciidamada SNM ay ku socon jireen geesinimo iyo wadaniyad kaliya laakiin
badanka ay ka maqnayd istiraajid iyo kala danbaynta ciidanku, waxaan shaki ku
jirin inaanu guulaysan lahayn hadii aanu qaadan lahayn taladii Mujaahid Qalinle
oo aanu sugi lahayn ciidamadii 3aad,10aad iyo 12aad iyo waliba ciidamadii
gurmadka ahaa ee ka imanayay deegaanka ku hareeraysnaa Balli-gubadle iyada oo
waliba ay jireen ciidamo ku sugnaa dhinaca Galbeedka Balli-gubadle
(carrancarri) oo hadii ay dagaalka soo gali lahaayeen dhabar-jabin ku samayn
kari lahaa ciidamada dawlada, wax badana noo tari lahaa.

 

 

Nasiib darro may muuqan hoggaan
cad oo awood u yeesha isku xidhka ciidamada SNM, waxaana guuto kasta hogaamin
jiray taliyaheeda oo isagu sida uu doono ugu talin jiray. Guul labaad oo kale
ayaana usoo hoyatay ciidamadii dawlada ee uu hogaaminayay Janaraal Cabdi Casiis
Cali Barre kol hadii ay Balli gubadle gacanta ku qabteen, weerarkayagiina ay
iska caabiyeen.

 

 

Xubno badan ayaa ciidankayagii
Koodbuur dagaalkaas kaga dhintay waxaanan ka sii xasuustaa Allah ha u naxariistee
Mujaahid Cabdilaahi Wadaad  oo isagu
salaadii subax ama salaatul-madfacdii nasii tujiyay intaanaan xabada ridin,
waxaa kale oo naga dhintay Allah ha u naxariistee  Cismaan Garac nin la odhan jiray oo intii
aanu jidka kusii jirnay noo qaadayay heestii Xaliimo Khaliif Magool ee ahayd ”
Dhirta xididka hoosaa, dhula loogu beeree, way dhici alahaayeeen”.

 

 

Waxaa kale oo Mujaahidiinta
naga dhimatay ka mid ahaa Allah ha u naxariistee nin Casay la odhan jiray oo
maalmahaas ciidankayaga ku soo biiray asal ahaana ka soo jeeday Beesha bariga
Burco, dhinaca kale waxaa dagaalkaas ku dhintay dad badan oo kale oo aan guutada
Koodbuur ka tirsanayn oo dagaalka ka qayb qaatay waxaana ka mid ahaa Allah
naxariistee Janno ha siiyee aqoonyahankii caanka ahaa ee la odhan jiray  Cali Action oo ahaa maamulihii iskuulka 1st
July ee imika Jaamacada Hargeisa laga dhigay iyo waliba dad badan oo kale oo
aanan haynin magacyadooda.

 

 

Dhamaantoodba Allah ha u
naxariistee waxay ahaayeen geesiyaal naftoodii qaaliga ahayd u hibeeyay si aynu
u gaadhno xorriyada macaan ee maanta aynu hadhsanayno (Fadlan faataxada u
mara).

 

 

Anaga oo niyad jabsan oo nala
soo jabiyay ayaanu si habqan ah isaga soo dhex lugaynay beerihii qaadka ee
Bali-gubadle xaga Bari kaga beegnaa, waxaanay indhahaagu qabanayeen jabahdii oo  jajabsanaysa laamihii Qaadka ee ku yaalay
beerahaas oo laga qaxay, waxaanay jeebadahooda ku guranayeen caleentii qaadka…

 

 

Casarkii ayaanu isugu soo
baxnay meel dhinaca Bari kaga toosnayd Balli Gubadle, waxaana nasoo gaadhay
gurmad badan oo u badnaa dadkii ku hareeraysnaa nawaaxiga Bali-Gubadle iyo
xataa qaar ka yimi xeryihii qaxootiga iyo tuulooyinkii xuduudka ku teedsanaa
waxaana aanu mar kare casarkii isku soo habaynay inaanu weerar kale oo rogaal
celis ku qaadno Ciidankii dawlada ee Balligubadle haystay, qudbado kooban oo
madaxdii ciidanku noo jeedisay ka dib waxaanu casar-liiqii mar kale usoo
dhaqaaqnay dhinacii magaalada Balligubadle oo ay si iskood ah uga baxeen
Ciidankii Dawlada ee uu Janaraal Cabdi Casiis Cali Barre hoggaaminayay…

La soco qaybaha danbe…………

 

Kaysar Cabdilaahi


Like it? Share with your friends!

0

Comments

comments