0

Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in saacadaha soo socda lagu wado in ay ka dhacaan banaanbaxyo looga soo hor jeedo Warqadii ka soo baxday Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday fartmaajo oo uu ku taageeray

agaasimaha hore hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Fahad Yaasin Xaaji Daahir.

Banaanbaxa ayaa lagu wadaa in uu gaaro ilaa Taalada Daljirka Dahsoon, waxaana wararku sheegayaan in ay ka Qeyb galayso Hooyada dhashay Ikraan Tahliil oo uu dilay Fahad yaasiin.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa si ku-meel gaar ah xilkan ugu magacaabay taliyihii hore ee ciidamada asluubta Soomaaliya Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac “Bashiir Goobe.

Sidoo kale Rooble ayaa Fahad ku amray inuu muddo saddex maalmood gudahood ah, oo ka billaabata marka uu warqadda saxiixo Rooble, uu xilka ugu wareejiyo Bashiir Goobe.

Office Nairobi Kenya


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *