0

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in tababare Conte uu doonayo in uu qaato sanad nasiino ah ka hor inta uusan qaban wax koox ah

Macalinkaan hore Inter Milan ayaa shaqo la`aan ah tan iyo dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore

Macalinkaan dhowr koox ayaa lala xariirinayaa sedexdii bil ee la soo dhaafay waxaana ku jira Arsenal iyo Barcelona oo dhawaan ku soo biirtay

Si waliba oo ay ahaato , wariyaha reer Italy ee Fabrizio Romano ayaa laga soo xiganayaa in macalin Conte uusan si fog ugu fikireyn in shaqo uu qabto xilli ciyaareedkaan

Arintaan ayaa imaaneysa xilli mustqabalka macalinka Barca ee Koeman uu mugdi sii galayo ka dib kulankii xalay ee Cadez ee bar ba dhaca bilaa goolasha ku dhamaaday

Macalinkaan ayaa diidan xittaa in kooxda uu ku hago hanaan ciyaareedkii Tika Taka ee ay kooxdaas caanka ku aheyd taasi oo ka careysiiyay maamulka

Dhanka kale , Arteta oo isna cadaadis uu saaran yahay marka laga yimaado guulihii is xigay ee dhawaan uu gaaray hadana macalinkaan ayaa shaqadiisa lala xariiriyay


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *