0

Ilo wareedyo ay qorayaan saxaafadda Ingiriiska ayaa sheegaya in Barcelona damacsan yihiin dalab ay ka geeyaan mid ka mid ah xiddigaha United

Dhaawaca weeraryahanadooda Martin Braithwaite iyo Aguero iyo heerka  ciyaareedka aan fadhin ee Depay  iyaga oo aan ka qanacsaneen Look De Jong waxa ay Barca u dhaqaaqeysaa weeraryahan cusub .

Wargeyska Mirror ayaa qoraya in Barcelona isha ku hayaan haatan Cavani oo ay doonayaan in suuqa January helaan .

Barca waxa y diyaar u tahay dalab gaaraya 5 milyan oo gini si Cavani u helaan biloowga sanadka cusub

Hishiiska Cavani ee United 7 bil aya ka harsan mana muuqato in mid cusub uu saxiixayo sidaa darteed Barca dadaal ayay u bixineysaa

Cavani ayaa United u saftay 47 kulan dhamaan tartamada 18 gool-na wuu dhaliyay halka 6 caawinna uu sameeyay

 

 


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *