0

Ronald Koeman ayaa lagu soo waramayaa inuusan ku jirin halis degdeg ah oo ah in laga ceyriyo shaqada kooxda Barcelona inkastoo dhawaanahan si weyn loo hadal hayo mustaqbalka Tababaraha.

Tababaraha 58 jirka ah ayaa kooxdiisu si fiican ku bilaabatay xilli ciyaareedka La Liga iyaga oo 7 dhibcood ka helay 3 kulan oo ay ciyaareen.

Barcelona ayaa guuldaro ku bilaabatay champions league wareega Group-yada taas oo keentay in su’aal laga keeno mustaqbalka tababarha.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in tababaraha loo qabtay kaliya 3 kulan si uu u badbaadiyo shaqadiisa hadii uu doonayo in uu sii ahaado tababaraha kooxda.

Laakiin wargayska MARCA ayaa sheegaya in uuna Madaxweynaha Kooxda ee Juan Laporte qorshaynayn in uu shaqada ka caydhiyo tababaraha kooxda wakhti dhaw maadama uuna hayn badalkiisa saxda ah.

Sii Akhriso: Fariimo jacay: Waxa Ugu Fiican Ee Aad Aad U Sheegi Kartid Qofka Aad Jeceshahay.


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *