0

Kooxda Barcelona ayaa ka jawaabtay wararka sheegaya in ay doonayso saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Liverpool ee Thiago Alcantara.

Saacadihii ugu dambeeyay ayay soo bexeen warar sheegaya in ay kooxda Barcelona doonayso saxiixa xiddiga Thiago Alcantara kadib markii uu Xavi ka dalbaday in ay u keenaan xiddiga khadka dhexe.

Si kasta ha ahaatee kooxda Barcelona ayaa ilo wareedyo lagu kalsoonyahay u sheegtay in ayna waxba ka jirin warkaas waliba ayna doonayn saxiixa xiddigeedii hore ee Thiago Alcantara.

Dhanka kale Wargayska AS ayaa sheegaya in ayna kooxda Barcelona haatan u baahnayn xiddig khadka dhexe ka ciyaara oo da’ ah maadama ay diirada saari doonaan xiddigaha da’yarka ah.

Xiddiga Thiago Alcantara ayaa ku dhibataoonaya Liverpool dhankiisa kadib markii ay dhaawacyo si joogto ah u soo gaadheen tan ilaa markii uu yimid kooxda Liverpool.


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *