0

Madaxweynaha Kooxda Barcelona ee Joan Laporta ayaa ka xanaaqay guuldaradii Barcelona ee 3/0 kala kulantay Bayern Munich Salaasadii inkasta oo ay si fiican ku bilowdeen horyaalka La Liga.

Tababaraha Kooxda ee Ronald Koeman ayaa haatan dareemaya cadaadis dhanka mustaqbalkiisa ah waxana uu haystaa kaliya 3 kulan si uu u badbaadiyo mustaqbalkiisa kooxda Barcelona.

Barcelona ayaa laba guul iyo bar-baro ka gaadhay horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan iyaga oo si fiican ku biloway xilli ciyaareedka laakiin Kooxda ayaa guuldaro ku bilaabatay champions League.

Wargayska Sport ayaa sheegaya in uu Laporta ka xanaaqay guuldaradii Barcelona ee champions League isaga oo tababarhaa u sheegay in ay shaqadiisku ku jirto halis kulamada soo socda.

Koeman ayaa loo sheegay in uu haysto kaliya 3 kulan si uu u badbaadiyo shaqadiisa kooxda Barcelona isaga oo shaqadiisa waayi kara hadii uuna guulo ku hogaamin kooxda.

Kooxda Barcelona ayaa la ciyaari doonta kooxaha Granada, Cadiz & Levante kuwaas oo horyaalka La Liga ah waxana uu Koeman u baahanyahay in uu guulo la gaadho kooxda


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *