0

Kooxda Barcelona ayaa shaacisay wakhtiga ay Taageerayaasha u soo bandhigi doonto saxiixeeda cusub ee Dani Alves kadib markii uu ku soo laabtay kooxda.

Barcelona ayaa xaqiijisay in uu Alves ku baasay tiijaabada caafimaadka kooxda haatana si Rasmi ah isugu diyaarinayo in uu noqdo xiddig cusub oo kooxda ah.

Alves ayaa ku soo laabtay Barcelona maalmo yar ka hor kadib markii uu isaga tagay kooxda Xagaagii 2016 kuna biiray kooxda Juventus isaga oo kooxda ugu soo biiray qaab xor ah.

Barcelona ayaa haatan xaqiijisay in Dani Alves lagu soo bandhigi doono garoonka Camp Nou 17 bishan haatan lagu jiro 5 galabnimo ee wakhtiga somaliya iyo 2 duhurnimo ee wakhtiga Barcelona.

Xiddiga 38 jirka ah ayaa maanta si Rasmi a ugu baasay tijaabada caafimaadka waxana uu ku biiray haatan tababarka buuxa ee kooxda kaas oo ay kooxdu isugu diyaarinayso kulanka Espanyol ee La Liga.


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *