0

Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay wadahadalo la yeelatay tababaraha xulka Belgium Roberto Martinez, iyagoo doonaya inay bedelaan tababaraha haatan ee Ronald Koeman.

48 jirkaan ayaa la rumeysan yahay inuu ku jiro liiska shan tababare oo ay maamulka Barcelona diyaariyeen si ay ugu badalaan tababare Ronald Koeman waxana sidoo kale ku jira Xavi, Jordi Cruijff, Antonio Conte iyo Andrea Pirlo.

Sida laga soo xigtay Goal, Barca ayaa si toos ah ula hadashay Martinez iyaga oo kala hadlay qabashada shaqada Kooxda kadib marka ay shaqada ka caydhiyaan tababare Koeman.

Sidoo kale waxa la sheegayaa in uu tababaraha reer Spain yahay tababaraha uu Joan Laporta doonayo in uu noqdo tababaraha kooxda Barcelona.

Martinez aya ka fiirsan doonaa booskiisa xulka qaranka Belguim isaga oo qalbiga ku haya in uu soo dhawyahay tartanka koobka adduunka ee sanadka 2022.

Sii Akhriso: Waakan Ninka Ay Dumarka Oo Dhan Jecelyihiin, Xitaa U Dhiman Karaan


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *