0

Bruno Fernandes ayaa sheegay in guuldaradii 2-0 ee Sabtidii ka soo gaartay Manchester City ee Premier League ay muujineyso in Manchester United “aysan la mid ahayn” kooxda ay xafiiltamaan.

Gool uu iska dhaliyay Eric Bailly ayaa Citizens U dhiibay hogaanka ka hor inta uuna xiddiga Bernardo Silva goolka labaad u dhalin Daqiiqadihii ugu dambeeyay qeybta hore ee ciyaarta.

Man City ayaa heshay 16 darbo intii lagu guda jiray qaab ciyaareedkii fiicnaa ee ay ka hortagtay kooxda Ole Gunnar Solskjaer, Fernandes ayaana ciyaarta ka dib qirtay in kooxdiisu ay ka liidato kooxda difaacanaysa.

” Way adag tahay in hadda wax la sheego, laakiin ma fiicna annaga, waa inaan bedelnaa, tani marar badan ayay dhacday, waxaana joognaa bilowgii xilli ciyaareedka”ayuu u sheegay BBC Sport.

“Waa inaan hadal yareynaa oo aan wax badan qabanaa, waa inaan shaqo fiican qabanaa, kulankan waxa uu na tusay in aanan la heer ahayn Man City”.


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *