Burburkii Soomaaliya 31-sano-21 Kacaan, Buuqa Somaliland 31-sano-21aad Kulmiye


Spread the love

Dhacdooyinka Ummad ama Aadamaha halleela ama soo wajaha wey kusoo noqnoqdaan hadii aan lagu cibaaro

 

  qaadan oo wax laga korrodhsan, oo aan
laga foojignaan  wixii hore u soomaray si
aanay Dib ugu habsan, Maxaa yeeley aduunka aynu ku guud suganahay waa goob
laylis ama jarribitaan ama imtixaan loo joogo, oo Alle inoo qoondeeyey inuu
inagu imtixaano!, Mana aha wax laynoo qariyey se waa arin si qayaxay laynoogu
war geliyey oo laynoo sheegay in aan ciddi aduunka ku waarahayn oo ruux kastoo
inaga mid ahi mudo cayiman oo Alle ogyahay ku nagaanaayo, wixii aynu falno  ama aynu dhitaysano Intaynaan god-gelin uu
ina raaci doono xumo iyo samaan midka uu ruux kastaa sii hormarsado, Taasna
marka Alle Dib inoo soo kiciyo ama ina soo nooleeye siduu Alle sheegay Ruuxba
wuxuu meel dhigtay miisaanka loo saaridoono hubaalna lagu abaal marin doono,
Hadaba inaka Dadka aynu ka joogno waxa loo yaqaanay oo ay isku yaqaaneen Dadkii
Illaahay ama Dadkii Alle, dhulkan aynu ka dhaxalnayna waa Dhulkii Alle, dadkaa
aynu ka joogno Madaxdii hagi jirtay KITAABKA QURAANKA ah ee ah Hadalkii iyo
Odhaahdii Allaha Wayn ee Weligii Jiraha ah, ayey ku xusan yihiin, weliba isaga
oo Alle inagu yidhi (suurada Luqman, aayada 27 Hadii waxa geed aduunka  jira qalimo laga dhigo oo bada iyo Todoba
Baddood oo kale oo lagu daray khad laga dhigo(waxsheega) odhaahda iyo hadalka
Alle ma wada qori karaan, sidoo kale suurada Al-Kahaf, aayada 109 – Hadii badu
khad u noqon lahayd odhaahda Alle badu wey gudhi lahayd intaanay go’in ama Hakan
ama joogsan odhaahda Alle, Hadii bada lasoo dhaamiyo hadana sidoo kale ayuunbay
badu u idlaanlahayd!.) Alle ayaa Wayn.

 
Bal odhaahdaa Alle eeg
Bad khad ah meel ii dhig, Webi khad ah meel ii dhig, Haro, Ceel, Bali iyo
Barkad intaba meel iska dhig, hadii Booyad Shaanboo Xayraan ah oo khad ah wax
lagu qoro ma dhici karto in uu ruux Aadame ahi wada akhriyi karo haduu xitaa
inta uu nool yahay habeen iyo hirraab kala joojin akhriska!, Allaheena weyn ee
weligii Jiraha ahi wuxuu inoo soo dejiyey Kitaab Quraan ah oo kooban oo Sodon
Jis ah oo uu Alle wax inoogu sheegay oo inagu amray, sidoo kalana inooga
waramay Ummadahii hore iyo Nabiyadii uu usoo diray, dadkii xiligii Nabigeenii
Maxamed NNKH Jiray, inaka hada jirna iyo kuwa dabadeen iman doona ilaa inta
aduunka la duubaayo wax sheegooda Alle wax ugu sheegaayo, se ma ogtihiin ama
waa halkii Alle haw naxariistee Abwaan Ismaciil Xayd Xirsi “Aflow” ee
Ciddi makuu sheegtay? in Allaheena wayni uu Kitaabka quraanka ah ee hadalkii
Allihii ina abuuray ah ay ku Xusan yihiin dadkii Madaxda beri samaad inoo ahaan
Jiray ee taladu Taabka ugu jirtay ee Dad, Qoomiyad, Af, Dhaqan iyo Tafiir aynu
ka joogno!, oo weliba Karaamo iyo Sharaf ugu xusan yihiin, Alle illaaheena Wayn
waxaanu odhan ruuxii yidhaahdaa waa jaahil iyo Naar lagu Dhaab!.

 
Bal Hadaba Madaxdeenii
hore Illaahay wanaag sharaf, karaamo iyo Daacadnimo inay ku dihnayn ayey odhaah
xuska Alle ka Marag kacaysaa, Dhanka kale Madaxdii Dowladii Jamhuuriyada
Soomaaliya dalkii laysku odhan jiray waatii 31 sanadood oo 21 Kacaan ahayd
Afwaynta ku goosatay!, markii Askari intuu afgenbi ku qabsaday hadana intuu
Kitaab gacanta saaray  waxii lawada ogaa
gaystay ee aakhirkii inta uu kabaha ka iladay guux kusii yidhi Dal iyo Dad
midna laygama Hadho!.

 
Burburkii Soomaaliya
Waxa Dib loo unkumay Jamhuuriyada Barkaysan, iyana maanta oo ay jirto intii
dalkii Soomaaliya laysku odhan jiray ku burburay ayaad moodaa in Jamhuuriyadii
barakaysnayd halkii gorofka laga saydhi jiray maanta in ay geestaalo,  Maxaa yeelay Jamhuuriyada barakaysani maanta
waa 31 sano jir Kulmiyena wuu ku 21 tirsanayaa, Madaxweyne Mudane Muuse Biixi
Cabdi isaga oo far khad loo daray oo aan afganbi ku qabsan ayuu Shacab,
Wax-garad, Culimo, madax-dhaqameed, Ganacsato iyo Xisbiyada qaranka midna dheg
jalaq usiin, inaka oo ah Qoomiyad Diin iyo Dhaqan soo jireen ah leh  oo caddaalad iyo Walaaltinimo iyo wax wada
lahaansho iyo midnimo wax ku wada qabsada, Diinteena suubana Illaahay inagu
faraayo (Aayadaha Quraanka ah sida 1, suurada 5aad aayada 8aad, 2, Suurada
16aad Aayada 90aad, 3, Suurada 55aad Aayadaha 7-9,  4, Suurada 4aad Aayada 58aad, iyo 5, Suurada
4aad Aayada 135aad,) Illaahay wuxuu inagu Amrayaa oo uu inagu Dhiiri-gelinayaa
oo uu inagu Boorinayaa oo uu ina farayaa Caddaalad iyo Xaq-soor Ummada inay u
sal noqoto, hadii kale aduunku waa goob Imtixaan ama sidii arday fasalka ay
marayeen Imtixaan laga qaadaayo hadii ay ku fowsaan ama guulaystaan way ka
gudbi fasalka, hadii ay guul-daraystaana way sii fadhiyi fasalkaa!, Waa tabta
inakana xaalkeenu yahay, Dhibta jirta ama mushkilada jirta ee indhaha shacabku
ka lalinayaan ama iska indho saabayaan ayaa ah in xisbiyadii qaranka
Jamhuuriyada barakaysan ee shacabka barakaysani kala garab socday loo kala sad
buriyo, oo Xisbi helo mudo kordhin, seeto-dheerayn iyo Mudo xileed dheeraad ah oo
Dabo-dhah ahi u meel taalo, Xisbiyada qaranka ee kalana Dabar, Qalax iyo
mudo-koobid ayaa U meel yaala! Caddaalad MIYAA?.

 
Iminka iyo haatan
Arrimuhu waxay u muuqdaan in wixii raga maanta joogaa shalay ay ugu
dagaalamayeen in aanu ahayn sidii loo heli lahaa caddaalad, sinaan,
Talo-wadaag, wax wada qabsi iyo midnimo qaran meel u wada jeeda, se hubaal waxa
humaaga dhabta ahi uu yahay oo ay wax ku wareemeen kursiga Dalku waa harag
sakaaro oo iga durug malaha iga kacna warkeed daa’! Taa ay iskugu biyo shubmayso,
ileen hadii kale jamhuuriyadii barakaysnayd halkii ictiraaf raadin loo dhan
yahay loo Tafo xaydan lahaa, waatan is maquurin, muran iyo qalalaaso doon loo
xusulo-duubtay, bal Hadaba Dhacdooyinka taariikhiga  ahi way soo noqnoqdaan hadii aan lagu cibaaro
qaadan, waayo Burburkii Soomaaliya 31-sano-21 Kacaan, Buuqa Somaliland
31-sano-21aad Kulmiye, hadaan hada loo guntan Malaha waxa Xigi Dhulka sow kulama lihi iyo heesihii dhiiga saydhi jiray
oo Dib u dhawaaqa, Alle haynaga beri yeelee.

 
Hadal iyo dhamaan
Boqorkii Hobol ama Hobolow Illaahay naxariistii Jano haka waraabiyo ayaa laga
hayaa (ina Rag walaal wax uu ku dhaamo ma jirto ee aynu iswalaashano!), ee Bal
walaalayaal is walaashada, aan ku soo ood-rogo Qormo qoraalka tuducda gabaygii  odhanaayey:-.

 
Dhayal maaha weedhiyo
warkani, aan dhiig ku soo qoraye

 
Sambabada dhexdoodiyo
haddaad, dhuunta gelin weydo

 
Dhinacyadiyo feedhaa
hadaanad, buugga ugu dhiibin

 
Hadaan beerku dhuunniga
u noqon, raashinka u dhiiba

 
Wadnuhuna xusuus dheer
haduu, dhawda fidin waayo

 
Maskaxdaada dhawr jeer
haday, soo dhex gelahaynin

 
Oonay dhibicda
faalaynahayn, muranka dhiilaysan

 
Dhegahaaga waanada
hadaanad, fiiro ugu dhiibin

 
Dharaarii ku soo maray
haddaad, hoos u dhugan waydid

 
Wixii dhacay shalaytana
hadaanad, maanta dhinac joojin

 
Haddii aad ku dhaaf uun
tidhaa, raaxadaad dheregtay

 
Dabaylaha dhacaayiyo
warkaa, dhaaxo kuu simane

 
Xooluhuba way
dhuunyadaan, raashin loo dhigo’e

 
Dhalmana way yaqaaniin,
waa taranta dhuuxeede

 
Hadduu bahal soo
dhacanna, way dhababaceeyaane

 
Bal maxaad ku dhaantaa
hadaan, talladda kuu dhiibo,

 
“Gabay-ga aan
magaca lahayn”

 
(‘Abwaan Bashiir
Ismaaciil Mire’ Alle haw naxariisto.).

 
Dunidu Waa goob
Imtixaan

 
Dadka  lagu Jirrabo

 
Doqon taa se moogan!.

[email protected]


Like it? Share with your friends!