Cabsi Gelin Iyo Hanjabaad Qaran Laguma Maamulo


Spread the love
Madaxweyne cimriga iyo caafimaad kaba ALLE ha kuu siyaadiyee.

Bilaa calaykum waad ogayd una soo joogtay Farmaajo wixii ka raacay
doorasho xilligeeda ku qabo laga baryayay muddo.

Haddaba Madaxweyne intaas cashar kuugu filan, ee sidii Madaxweyne yaashii
kaa horeeyay yeeli jireen khaas ahaan Aabihii Dimuquraadiyadda Mudane Daahir
Riyaale Kaahin oo kale  inaad ka sii
sareyso oo magac iyo mahadho taariikhda kuu gasha aad jiilka soo socda uuga
tagto qorshaheedaa lagaaga fadhiyaa.

Kala Qeybsanaanta siyaasadeed dal iyo dibadba wey saamaysay tusaale waxaa
kuugu filan heerka ay marayso qaadhaan uruurintii suuqa waaheen ee qurbo
joogtu.

Waxaan ka digayaa Mudane Madaxweyne in inta kugu dhadhow kugula taliyaan
waxaanay faa’iido  uugu jirin.

1. Dantaada shaqsi Siyaasadeed.

2. Danta Dalka iyo

3. Danta shacabka Somaliland

Oo hadhaw wixii ka dhasha adigu massuliyadeeda aad yeelaynayso wanaageeda
iyo xumaanteedaba oo aanay cidi kula wadaagayn.

Midna waxaan leeyahay dadkan saxaafada qaabka daran wax uugu tabinaya
Sidani aad wax u wadaan maaha sidii la yaqaanayee bahasha qori isku dhiibka
aynu uugu caano maalnay.

Ee Shiciboow aynu u Kala baxno SAAMILEYDA SIYAASADEED EE DALKA inaga door
kuma lihin xaaladda halka ay maanta taagan tahay bes inaga maalinkeenu waa
maalinta FARTA Khadka aynu gashan doono.

Xaaji Liibaan Ismaaciil

Ireland || Dublin


Like it? Share with your friends!

0

Comments

comments