Cara Tuulka Maayar Mooge Ku Rogo Wadooyinka


Spread the love
W/Q : Shaafici Maxamuud Cige .

Maayar Abdikarim Ahmed
Mooge waxa uu go’aan ku gaadhay in uu jidadka ku xidho ama ku rogo laba loodh
oo carro tuul ah , si uu ugu muuqdo jidkaasi mid la dhisaayo dhawaan ,

Arintan ayaa ka dhacday
badiba caasimadda isagoo masuulku jidad badan afka hore kaga rogay loodh ciid ah
ama laba loodh oo carro tuul ah ,

Jidadkan ayaanu
masuulku badankoodaba aanu dib ugu noqon , halka qaar jidadkan ka mid ahna
intuu carro tuulka kala bixiyay aanu iyaga laftoodana dib ugu laaban ,

Jidadkan afafka hore
laga xidhay ayaa caqabad weyn ku noqday isu socodkii bulshadda , arintan oo
ujeedkeedu yahay igu sawir hadal hayn iyo amaan ha ii dhashee ,

Ugu dambayn maayarka
waxaan kula talinayaa inuu jidadka bilaabo uun marka uu kharashkooda iyo
shaqadoodaba u diyaar garoobo , isla markaana isku sawiro bar bilow-gooda iyo
bar dhamaadkoodaba ,

Wixii aad jidad
samaysay maayar waa shaqadaadii laguu doortay , wixii si laab la kacana aad u
dhagax dhigtay ee bulshadda isu socodkooda xanibaada ku ahna waad ku dhaliilan
tahay oo dhaliishooda adigaa ka masuula ee la soco …..

                   Allah Mahad Leh .

W/q : Shaafici Maxamuud
Cige .


Like it? Share with your friends!