0

Tababaraha kooxda Real Madrid Carlo Ancelotti ayaa sheegay in ruuxda dagaalyahanadu sabab u ahayd guushii soo laabashada lahayd ee ay ka gaadheen kooxda Valencia ee horyaalka La Liga.

Kooxda Real Madrid ayaa guul u badashay hal gool oo ay Valencia ku hor martay kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga ee xilli ciyaareedkan.

Acelotti oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Kulankan xiddigaha kooxdaydu waxa ay u dagaalamayeen dhibcaha ciyaarta min bilow ilaa dhamaad, waxa aan marar qaar u ciyaarnay si fiican marna si xun laakiin waxa aan aaminsanayn ilaa dhamaadka ciyaarta”.

“Si fiican umaanu ciyaarin qaybtii hore waxana aan dib ugu laabanay difaaca marar badan taas oo keentay in ay Valencia cadaadis na saartay”.

“Ugu dambayn waxa aan guul ku gaadhnay dagaalanka xiddigaha kooxda ilaa dhamaadka ciyaarta waxana aan haystaa xiddigo da’yar ah oo si fiican u ciyaari kara kulan kasta”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: Daraasad Lagu Ogaaday Sir Cajiib Ah Oo Kordhisa Quruxda Gabadha In Ka Badan Waxyaabaha La Isku Qurxiyo, Xitaa Ragga Ayaa U Waaja Dumarka Sidaas Sameeya.

 


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *