Casharrada Laga Baran Karo Jabka Ciidanka Ruushka


Spread the love

W/Q Rashiid Odowaa

Muddo laba bilood gudahood
ah ee ugu danbaysay ayaa waxa Ruushku lumiyay boqolaal taangi waxa loo
tirinayaa hubka casriga ah ee lidka taangiga ah ee ay siiyeen Yukrayn reer
Galbeedku gaar ahaan USA iyo UK waxa kaloo meesha ka muuqata qaabka Ruushku u
dagaalamayo Inay tahay qaab liidata oo gabowday.ugu horrayn ruushku waxay
dagaalka qaadeen xilli roobab ay da’een oo dhulku dhiiqo yahay taasina waxay
caqabad ku noqotay socodka taangiyada iyo gawaadhida.

 
Haddaba sidee ayay
lidka taangigu u wax yeello u gaadh-siiyay taangiyada iyo Ciidanka  Ruushka,waxa maraykanku ugu horrayn u soo
rareen 2000 oo Qoriga javaline ah markii dagaalka Ruushku uu Yukrayn ku qaaday
bishii feb 2022ka,ka dibna 2000 oo danbe ayay ku xoojiyeen waxa kaloo Ingriisku
u direen 3,600 oo ah lidka -taangiga oo la yidhaaho (NLAW).waxa kaloo jirta
inay reer galbeedku difaaca hawada mar kasta ka taageeraan Ukraine.

 
Haddaba haddaynu eegno
qaabka loogu dagaallamo  javeline
shiishkiisa oo sugan darteed waxa uu u dhacaa tiiro toosan ka dibna hoos ugu
soo foorarsadaa sida Hoobiyaha oo kale ka dib taangiga ayuu  ka cuskadaa halka uu ugu jilicsanyahay  oo ah xagga sare ee daboolka  ka dibna uu halkaas ku baabi’iyo taangiga
dhamaantii.waxa kaloo ka sii qayb qaatta ruushka oo rasaas badan ku rarta
taangiga taasna ay sii caawiso gubashada iyo qaraxa.

 
Khaladka wayn ee
ruushku sameeyay kolka hore waxay tahay kolonyo taangiyo ah oo aad u badan oo
dariiq wada socota oo aan lahayn Ciidan Infantry ah oo difaac ugu filan oo
weerar ku galay magaalooyin iyo dhul durugsan waxay taasi u sahashay ciidamada
Ukrayn ee ku qalabaysan hubka lidka taangigu in ay si howl yar u baabi’iyaan,
taasina waxay u horseedday guul darro wayn iyo daraasiin taangiyo  ah oo    hal meel ku wada gubta ama hal waddo.waxa halkaas batay dhimashada
,dhaawaca iyo maxaabiista askarta Ruushanka.

 
Marka taangiga oo
ruushku u yaqaanno boqorka dagaalka laga yimaaddo, qoriga labaad  ee soo raacaa ee ruushanku aaminsanyihiin waa
PM ama 40 dhuumood ha ahaado ama haba ka badnaado gantaalaha ka dhaca PM waxa
loo ridaa si qiyaas uun ah oo halka la rabo ama yoolka inuu ku dhaco iyo inuu
baal maro labadaba leh.balse u badan in lala waayo sidaas darteed waxay ku
qaadataa marka meel bar tilmaameed la duqaynayo in la is bar bar geliyo baabuur
badan oo ay mar wada ridaan markaa halkii yool ee la doonayo in la beegsado
waxay ku qaadanaysaa in kumanan gantaal lagu rido.

 
Dhinaca kale Waxa
dhawaan 1996kii maraykanku soo saaray qori u dhigma PM oo la yidhaahdo HIMARs
kaas oo markiiba Ukraine soo gaadhay waxa uu gudbaa masaafo dhan 60km  waxay isku qaab egyihiin PM ka hase yeeshee
Himars waxa haga Sattelite sidaas darteed halka gantaal ee ka dhacaa waxa uu si
toosa ugu dhacayaa halka loogu talo galay taasina waxay baabi’isay difaacii
ruushka intiisii badnayd.waxa kaloo ay baabi’isay meelihii iyo goobihii hubka
iyo rasaasta ay dhigteen tani waxay wax yeeshay habkii taakulaynta ee ruushku
inuu kala go’o.waxa kaloo dhaca in dhulkii ruushku uu galay in dib looga soo
riixo.

 
Waxa loo badinayaa inuu
xisaabo khalad ah isu gaystay Madaxweyne Vladimir putin oo warar ama sahan aan
sugnayn ka qaattay sirdoonka ruushka taasina ay kaliftay in Ciidamadu ruushku
masaafo aad u dheer iyo Magaalooyin ay sii dhex socdaan iyagoon hubin waxa
meesha kaga soo bixi doono waxa dhacday in Yukrayniyiintu kala hor yimaadeen
markii hore ee dagaalku bilaabmay boodhadh ay ku qoran yihiin ku soo dhowaada
Cadaabta “welcome big hell”taasna ay markii danbe u ekaatay dhab.

 
Marka la eego qaabka ay
u dhaqmayaan Ciidamada Ruushku waxay u egatahay qaab aanay soo dhoweynanyn
dadka reer yukrayn xattaa haddii ay yihiin kuwo dhalasho ahaan ka soo jeeda
Ruushanka sida Gobollada Donbaska (Luhanski iyo Donetski) ama Kherson iyo
zaporishishia waxay kula dhaqmeen qaab cadawnimo dil iyo kufsi iyo duqaynta oo
aan loo kala aabo yeelin waxa lagu qiyaasay in 5000 oo qof oo shicib ah siyaabo
kala duwan ciidanka Ruushku u dileen taasina shacabkii ayay ka fogaysay.waxa
kaloo jirta inay Duqaynta la beegsadaan inta badan goobo shicibku degganyahay.

 
Waxa kaloo iyadana
jirta in dhinac kasta Maraykan iyo Reer galbeed ka caawiyaan dhinaca Cirka iyo
difaaca gantaalaha hadday tahay xagga dhaqaalaha oo isla maataba hubka ugu
casrisan ee difaaca hawada loo rarayo Yukrayn. 

Isku soo wada duub oo
aakhirkii ugu danbeeyay hadda waxay maraysaa in Putin uu cadhada kula dhaco inuu
ku hanjabo inuu hubka halista ah ridayo,John bidenka maraykanka ayaa isauguna
ku hanjabay inuu qiyaamuhu dhici doono haddii Ruushku isku dayo inuu rido hubka
halista ah waa Nuclearka e.

 
Dhinaca kale waxa loo
badinayaa inuu inqilaab ay ciidanku hoggaaminayan xukunka lagaga tuuri doono
Putin maadama isagu horseeday guul darrada soo wajahday Ciidanka Ruushka waxa
la soo dheegayaa inay amar diido samaynayaan Ciidanka jiidaha hore ku sugan ee Ruushanku
ka dib markii guul darrooyinkoodu bateen bal waynu eegi doonnaa wixii ka soo kordha.

 
Ref .ECOR

Denys devedenko

 
Rashiid Odowaa

[email protected]

O63-4101213


Like it? Share with your friends!