” Cashuurtii Doorashadda ” .


Spread the love
W/Q: Ahmed Nour Guruje

Maanta waxay ku
beegan tahey sanad guuradii 1aad ee maalintii aan bixiyay cashuurtii
doorashadda oo dhamayd 41 malyuun oo somaliland shilling ah una dhigmaysay 5
kun oo doolar .

Lacagta intaa la eeg
mabda cashuureed oo loo jideeyey garan maayo , Aduunyadda oo dhana meel cashuur
intaa la eeg qof doorasho doonaya lagga qaadaa ma jirto , hasa ahaatee wuxuuney
ahayd carqalad doorashadda uu usii dhigey golihii horre ee wakiiladdu
xukuumadda iyo asxaabtuna raali ka ahaayeen .

Runtii waa arrin
dimuqraadiyadda iyo ujeedooyinka doorashadda kasoo horjeedda oo ah  niyad xumo in doorashadda loo arko il dakhli
oo dhaqaale kasoo baxo oo musharixiintu saf u galaan cashuur bixinta .

Anigoo maanta ilaahy
fursad ii siiyey wax ka qabashadda dhibtaas waxaa ii qorshaysan in aan wax ka
qabto si aynu u suulino dhaqankaas foosha xun .

Ugu danbayn waxaan u
mahadnaqayaa saaxiibkey Axmed xasan aw maxamed oo lacagta intaa la eeg i
amaahiyey si aan cashuurtaas kadeedka ah ugu bixiyo iyo qoyska reer Qadar oo
lacagtaas shamaanteed iga soo bixiyay 2 cisho gudahood taageero dhaqaale oo
badana ii gaystey .

 

W/Q: Ahmed Nour
Guruje


Like it? Share with your friends!

0

Comments

comments