0

Kooxda chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay isku diyaarinayso in ay dalab 103 milyan ah ka gudbiso saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara Juventus ee Matthijs de Ligt.

Tababaraha Blues Thomas tuchel ayaa raadinaya xoojin daafaca ah inkasta oo uu kooxda kula guulaystay champions League bishii May.

Kooxda Chelsea ayaa la sheegayaa in ay xiiso u qabto xiddigii hore ee kooxda Ajax kaas oo ay doonayso in ay ku xoojiso daafaceeda xilli ciyaareedka dambe.

Sida laga soo xigtay Calciomercato, chelsea ayaa diyaar u ah in ay bixiso 103 milyan oo euro oo ah lacagta lagu bur-burin karo heshiiska daafaca ee kooxda Juventus.

Xiddiga Matthijs de Ligt ayaa ku dhibaatoonaya kooxda Juventus inkasta oo uu si joogto ah ugu ciyaaro maadama uuna wax koobab ah kula guulaysan xilli ciyaareedkii hore.

Sii Akhriso: Gabadha Xisoodka Badan Mise Gabadha Geesiyada Ah? Midee Ragga Aadka U Soo Jiidata.


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *