0

Daafacii hore ee kooxda chelsea ee Frank Leboeuf ayaa chelsea u sheegay in ayna mar kale suurtagal ahayn in ay ku guulaystaan champipons League xilli ciyaareedkan.

Thomas Tuchel iyo xiddigihiisa ayaa ku guulaystay koobka ugu qaalisan kooxaha xilli ciyaareedkii hore kadib markii ay garaaceen kooxda Man City.

Ilaa haatan chelsa ayaa qaab ciyaareed fiican ku jirta sidoo kale waxa ay fursad u haystaan in ay u gudbaan wareega xiga ee champions League laakiin Frank Leboeuf runta u sheegay kooxdiisii hore.

“Fashilka kooxaha waaweyn sida Chelsea, Liverpool iyo kooxaha reer Manchester waa in ayna waxba ku guulaysan”ayuu u sheegay Ladbrokes.

“Uma malaynayo in mid ka mid ah kooxahaas ay ku farxi doonaan kaliya ku guulaysiga Carabao Cup-ka”.

“Kooxdu ma danayso sidoo kale taageerayaashu ma daneeyaan, waxa ay doonayaan in ay ku guulaystaan waa FA Cup, champions League iyo Premier League”.

“Chelsea nasiib ayay u lahayd in ay ku guulaystaan champions League xilli ciyaareedkii hore”.

“Uma malaynayo in ay chelsea ku guulaysan doonto champions League sababta oo ah kaliya Real Madrid ayaa taariikhda ku guulaystay 3 jeer oo xidhiidh ah”.


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *