0

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay qarka u saaran tahay inay qirto guuldaro ka soo gaarta baacsiga ay ugu jirtay daafaca dhexe ee kooxda Inter Milan ee Milan Skriniar, kaasoo ku dhow inuu heshiis cusub qalinka ugu duugo Inter Milan.

Blues ayaa ku guuldarreysatay isku daygeedii ahaa inay Jules Kounde kala soo wareegto Sevilla suuqii ugu dambeeyay, taasoo horseeday in ay dareenkooda u jeediso saxiixa xiddiga Inter Milan ee Skriniar.

Romelu Lukaku ayaa lagu soo waramayaa in uu kooxda chelsea kula taliyay in ay u dhaqaaqdo saxiixa daafaca dhexe oo ay wax 2 sano ka yar uga hadhsantahay heshiiskiisa kooxda Inter.

Si kastaba ha ahaatee, Calciomercato ayaa sheegaysa in 26 jirkan uuna doonayn in uu ka tago kooxda Inter Milan waliba ku dhawyahay in uu heshiis cusub oo 4 sano ah u saxiixo kooxda.

Wararaka ayaa sheegaya in uu xiddiga daafaca ka ciyaara qalinka ku duugi doono heshiis uu sanadkii ku qaadan doono lacag dhan 4 milyan oo euro si uu u sii joogo kooxda.

Sii Akhriso: Ma Kugu Dhacday In Gabadha Aad Jeceshahay Telefoonka Kaa Qaban Wayo Kadib Kugu Soo Celin Waydo, Ma Dhacday In Ay Ka Jawaabi Waydo Fariimahaaga, Arimahan Ayaa Sabab U Ah.


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *