0

Chelsea ayaa guul weyn ka gaartay Tottenham oo ay uga talaabsadeen sedex gool oo nadiif ah

Sheekada ciyaarta :Chelsea iyo Tottenham ayaa nasiinada ku aaday bar bar dhac bilaa goolal waxa ayna ciyaarta aheyd mid u furan labada koox

Ma jirrin fursado badan inkastoo Tottenham u dhaweyd dhanka goosha haddii  si sax ah uga faa`ideysan lahaayeen xilli Chelsea iyana ay iska qasaariyeen fursad

Ciyaarta waxa ay aheyd mid deg degsiimo leh waliba u fursneyd labada koox

Qeybta labaad Chelsea ayaa dar dar wacneyd waxaana jirtay fursado goolhayaha Tottenham uu bad baadiyay ilaa ugu dambeyn gool cajiib ah uu dhaliyay Silva daqiiqadii 49-aad

Ka dib goolkaas , Tottenham waxa ay u muuqdeen kuwo ay adag tahay in kubadda horay u soo jiidaan xilli Chelsea ay si weyn u tagaeen balse nasiibka ayaa ka maqnaa

Cadaadiska Chelsea waxaa ku yimid gool  uu meel fog ka toogtay Kante taasi oo ciyaaryahan Tottenham ah ku sii dhacday waxa ayna aheyd 57-ad

Tottenham isku dhex yaac ayaa ka muuqday waana adkeyd in kubadda si sax  ah u geeyaan aagga goosha Chelsea xilli kooxda  tababare Touchel mar waliba u sii dhawaanayene goolal dheeraad ah waliba Warner ayaa gool xaqiiq qasaariyay xilli uu badel ku soo galay .

Tottenam dhamadkii waa dumeen si waliba ayaa looga wacnaa ila gool sedexaad ay heleen waqtigii dheeriga waxaan u sedexeeyay  Ruediger

 


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *