Ciidamo ka tirsan Dowladda oo la filayo in Loo daabullo Degaanno ka tirsan Galmudug


Spread the love

Muqdisho-KNN-Ciidamo ka tirsan Booliiska Gaarka ah ee Haramcad oo Gaaraya in ku dhaw 200 oo Askari ayaa lagu wadaa in  maanta laga dajiyo Magaalada Guri-ceel ee Gobolka Galguduud.

Arintaan ayaa timid ka gadaal markii maalmihii lasoo dhaafay, Xogaga Ahlusunna dhaqdhaqaayo Ciidan ay ka wadeen Degaanka Bohol halkaas oo Fariisin u ah xoogaga Ahlusunna,

Sidoo kale arintaan ayaa kusoo adeeyso xili Hogaanka Ahlusunna ay soo bandhigeen Ciidamo farro badan, hub iyo gaadiid, xiligaasoo ay dhigayeen Munaasabad Sanadeedka Dadkii ku dhintay Dagaaladii ay la galeen Dagaalamayasha Al-Shabaab.

Ciidamadaan lafilayo in maanta loo daabulo Guriceel ayaa xoojinaya Ciidamo horay u joogay magaalouinka Guriceel iyo Dhuusamareeb, waxaana arintaan ay imaaneysaa, xili hogaanka Galmudug ay xilligaan ku sugan Magaalada Muqdisho ,iyagona wado  ololo la xiriira doorashada


Like it? Share with your friends!

0

Comments

comments